Macluumaad ku saabsan doorashada Norway ee 2021

0
127
Foto: Tore Fjeld

Afartii sanaba waxaa dalkan Norway mar ka dhacdo doorashada baarlamaanka. Waajibaadka ugu muhiimsan ee baarlamaanku waa ayaansixinta sharciyada, go’aaminta miisaaniyadda qaranka iyo kormeerka dowladda.

Doorashada Baarlamaanka qowmiyada Saamuhu waa baarlamaan laga soo doorto dadka Samiga ah ee Norway, waana gole madax banaan oo la soo doorto. Waxaad xog dheeraad ah oo ku saabsan Doorashooyinka Baarlamaanka ee Sami ka eegi kartaa sametinget.no.

Maalinta la qorsheeyay in dalkan Norway ay ka dhacdo doorashada baarlamaanku, waa Isniinta 13 Sebteembar 2021. Degmooyin badan sidoo kale waad ka codeyn kartaa Axadda 12 Sebteembar.
Saas oo ay tahay Waad u codeyn kartaa horay meel kasta oo dalka ka mid ah laga bilaabo
10 Agoosto ilaa 10ka Sebteembar.

Sharciga doorashada Norway ayaa dhigayo inay doorashada baarlamaanka ka codeyn karaan dadka buuxiyay shuruudahan:


• Waa inuu qofku ahaadaa Muwaadin Norweigian ah;
• Waa buuxiyay da´da 18-ka sano ama uu gaari doono da’da 18 dhammaadka 2021.
• Waa inuu ka diiwaangashanyahay diiwaangashan tahay diiwaangelinta dadka ee degan Norway


Buug yarahan hoose oo ay diyaarisay hey´adda doorashada dalkan Norway waxaa ku qoran macluumaad ku saabsan doorashada iyo qaabka loo codeeyo: Halkan ka akhri ka

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments