Solberg: Wali Kuma fakarin inaan gacmaha taago.

0
102
Reysulwasaare Erna Solberg. Foto: Torbjørn Kjosvold/SMK

Reysulwasaaraha dalkan Norway oo shir jaraa´id qabatay maanta oo jimce ah ayaa sheegtay inay ka rajo qabto inay sii heyso xilka reysulwasaare, ayna ku guuleysato doorashada baarlamaanka ee dhici doonto labo(2) bilood kadib.

Hadalka reysulwasaaraha ayaa yimid kadib markii codbixino saadaalin ah oo la qaaday ay sheegayaan in loo badaniyo in xisbiyada bidixda ee mucaaradka ku ah Solberg ay ku guuleysan doonaan doorashada.

Jirka jaraa´id ee Solberg ayaa intiisa badan ahaa mid si toos ah ugu wajahnaa madaxda warbaahinta oo isbuucyadii ugu danbeeyay qorayay in reysulwasaarahu aysan heysan fursad ay mar sadexaad kusii heyso xilka ugu sareeya ee Norway, iyaga oo ka cabar qaadanayo saadaasha hordhaca ee codbixiyeyaasha.

Solberg oo niyad sami ay ka muuqato ayaa sheegtay in warbaahintu ay warar iyo saadaal aan fiicneyn ay ka qorayaan xisbiyada midiga: Waxaan jaraa´idka ka akhriyaa in warbaahinta ay isku diyaarineyso in isbadal xukuumadeed uu dhici doono. Aan idin sheegee, mar hore ayaad qalad noocan oo kale gasheen.

Solberg oo hadalka sii wada ayaa sheegtay: Kuma fakarin inaan isdhiibo. Waxaan qabaa in xisbigeyga Høyre uu heysto wax kasta oo keeni karo in dalka Norway uu si dhaqso ah kusoo kabto Corona kadib. Waxaana aad ugo rajo weynahay inaan doorashada guul ka keeni doono.

Saadaashii ugu danbeysay ayaa sheegeyso in xisbiyada bidixda ee SV, Ap, Sp, Rødt iyo MDG ay guul xoogan ka keeni doonaan doorashadan. Isla markaana ay xilka waayi doonto Erna Solberg oo dalkan reysulwasaare ka aheyd sideedii(8) sano ee ugu danbeysay, uuna xilka kala wareegi doono Jonas Gahr Større oo ah musharaxa xisbiyada bidixda, ahna gudoomiyaha xisbiga Ap.

Xigasho/kilde: Erna Solberg svarte pressen: – Dere har tatt feil før.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments