Booliska: Waxaan qabanay koox soomaali u badan oo Daroogo u kala qaadi jirtay Oslo ilaa Tromsø.

0
153
Yngve Myrvoll politiinspektør: Madaxa howlgalka booliska Troms Foto: Politiet

Laanta booliska Norway ee gobolka Troms ayaa shir saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay fashiliyeen shabakad abaabulan oo isku xiran oo soomaali u badan, kuwaas oo daroogo u kala qaadi jiray magaalooyinka Oslo iyo Tromsø. Sidoo kale booliska ayaa gacanta ku dhigay

Shabakadan ay boolisku sheegeen inay qabteen ayaa ka kooban ilaa dhowr iyo toban qof, waxeyse boolisku sheegeen inay jiraan sagaal(9) nin oo bud-dhigeyaal u ahaa shabakadan daroogada tahriibisa, kuwaas oo da´doodu ay u dhaxeyso 20 ilaa 50 sano.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in kooxdan ay aad u abaabulnaayeen marka la fiiriyo qaabka ay daroogada u tahriibin jireen iyo qaabka ay lacagaha kaashka ah ee daroogada kasoo xaroodo usoo qaadi jireen. Waxeyna boolisku raaciyeen in kooxdan ay bil walba daroogo badan u kala tahriibin jireen Oslo iyo Tromsø tan iyo sanadkii 2018, ayna kooxdu aheyd koox aad u abaabulan loogistiko ahaan.

War saxaafadeedka boolisku waxa sidoo kale lagu muujiyay in kooxdan ay u badanyihiin dad Norwiiji ah, balse asal ahaan soomaali ah. Isku dar 11 qof oo eedeysanayaal ah oo kiiskan lala xiriirinayo ayay boolisku sheegeen inay gacanta ku dhigeen.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in hada ay soo dhamaatay baaritaanka booliska ee kiiskan, ayna u gudbin doonaan xeer ilaalinta oo kiis maxkamadeed ka diyaarin doonto.

Xigasho/kilde: Narkotikanettverk med trolig årelange leveranser til Nord-Norge avdekket.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments