Deg-deg: Nin soomaali ah oo sadex(3) qof mindi ku dilay, lixna(6) ku dhaawacay.

0
157

Sida uu tabiyay wargeyska Bild ee dalka Germany, Ugu yaraan sadex(3) qof ayaa geeriyooday, lix(6) kalena waa lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday mindi oo ka dhacay magaalada Würzburg ee koonfurta dalka Germany.

Booliska magaalada ayaa saacad kahor sheegayay inay qabteen ninka weerarkan ka danbeeyay, waxeyna sheegeen ineysan jirin cabsi kale oo laga qabo inay jiraan dad kale oo falkan ku luglahaa.

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso warbaahinta lokalka ah ee soomaalida dalka Germany, ninka weerarka ka danbeeyay ayaa ahaa wiil soomaali ah oo sida la sheegay maskax ahaan u xanuunsanaa.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayo ninkan oo gacanta ku wata mindi aad u dheer, lana dhexqaadayo dadka wadada marayay. Waxaana muuqaalka laga arkayaa dad isku dayay inay ninkan ka qaadaan mindida ama kahor tagaan weerarkiisa.

Warbaahinta ayaa tabineyso in ninkan uu markii hore mindida ku weeraray haweenay da´ah oo uu dhaawacay, waxaana kusoo orday dad isku dayay inay ka qabtaan, kuwaas oo markii danbe uu iyagii kula soo jeestay mindida.

Warbaahinta ayaa dhanka kale sheegtay in ninka soomaaliga ay boolisku dhaawaceen, kahor inta aysan gacanta ku dhigin.

Wixii kusoo kordha dib ayaan usoo galin doonaa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments