Macluumaad laga ogaaday soomaaligii sadexda qof ku dilay dalka Germany.

0
157

Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday mindi, oo uu 24 jir ah Soomaali ah xalay ka gaystay magaalada Würzburg ee dalka Jarmalka.

Sida laga arkay muuqaalo lasoo dhigay baraha bulshada, ninka falka geystay ayaa la arkayey isagoo toorey dheer wata, oo ay iska caabiyeen dad wadada hareeraheeda marayay.

Booliska ayaa markii dambe joojiyey weerarkan kadib markii ninka Soomaaliga ah ay lugta ka toogteen, waxayna sheegeen inuu gaaray dhaawac aan halis gelineyn naftiisa.

Weerarka ayaa waxaa la xaqiijyey inay ku dhinteyn seddex qof halka dhaawaca uu gaarayo ilaa 10 kale oo qaarkood la sheegay inuu soo gaaray dhaawac aad halis u ah. Saddexda qof ee dhintay waxaa ka mid ah wiil yar iyo mid ka mid ah waalidkii, sida uu sheegay wargayska Main Post. 

Wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria, Joachim Herrmann ayaa waxa uu weriyayaasha u sheegay in shan ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato oo aanan la hubin inay badbaadi doonaan.

Haddaba ogow afar arrin oo ku saabsan weerarka iyo ninka gaystay

1: Ereyadii uu ku dhawaaqayey

Wasiirka Arrimaha gudaha Bavaria, Joachim Herrmann oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay inuu jiro tuhun ku aadan in ninkaan uu falka u geystay sabab la xiriirta xagjirnimo.

Wuxuu warbaahinta u sheegay in uusan meesha ka saari karin xagjirnimada la xiriirta mintidiinta Islaamiyiinta ah sababtoo ah hal qof oo goob jooge ah ayaa soo sheegay inuu maqlay ninka oo ku dhawaaqaya “Allahu Akbar,”

2: Meesha uu ku noolaa

Sida ay xaqiijiyey Dowladda Jarmalka, ninkaan Soomaaliga ah oo aan weli magaciisa lasoo bandhigin ayaa ku noolaa magaalada Würzburg tan iyo Sanadkii 2015.

Waqtiga uu ninkaan soo geliyey dalka Jarmalka ayaa aheyd sanadkii uu Jarmalka xuduudihiisa u furey in ka badan hal milyan oo muhaajiriin iyo qaxooti ka soo cararay dagaal iyo saboolnimo.

3: Sababta loo qariyey magaciisa

Booliska dalka Jamarka ayaan shaacin magaca ninka falkaan geystay, mana ahan arrin u gaar ah ninka Soomaliga ah ee geystaan falkaan balse waa arrin la arko mar kasta oo ay dhibaato ka dhacdo dalkaas.

Sababta loo qariyey magaca ninkaan geystay falka ayaa lagu sheegay inay tahay dhaqan u yaalo Booliska dalkaas oo aan shaacin magaca qofka dambi galo ama lagu tuhumayo.

4: Xanuun dhanka dhimirka ah

Joachim Herrmann, oo ah Wasiirka arrimaha gudaha gobolka Bavaria oo magaalada Würzburg ay ka tirsan tahay ayaa sheegay in ninka falka geystay uu maalmihii ugu dambeeyey  uu qabay xanuun dhanka maskaxda ah.

“Xaaladdiisa dhanka dhimirka waxaa la ogaaday bilihii la soo dhaafay, waxaa lagu arkay dabeecad xumo isagoona sameeynayay rabshado.” Ayuu yiri Herrmann.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan maalmihii dhowaa uu marayey daweyn xagga xanuunada maskaxda ah oo lagu qasbay.

Xigasho/kilde: C.O

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments