Xaas uu 12 sano jir ku guursaday ayaa loo ogolaaday in Norway uga dacwoodo.

0
176
Sawirka aqalka maxkamada sarre ee Norway. Foto: Høyesterett

Maxkamada sarre ee dalkan Norway ayaa ogolaatay in nin u dhashay dalka Siiriya Norway loo keeno xaas Siiriyaan ah oo uu guursaday sanadkii 2012, xiligaas oo gabadhaas uu guursaday ay jirtay 12 sano.

Go´aanka maxkamada sarre ayaa burinayo go´aan diidmo ah oo ay horey u gaareen hey´addaha qoxootiga Norway, kaas oo ninkan loogu diiday in xaaskiisa Norway loo keeno. Iyada oo lagu eedeynayo inuu gabadhaas guursaday xili aysan qaangaar aheyn oo ay caruur tahay, arrintaas ay kasoo horjeedo arragtida qaanuuniga ah ee laga tixgaliyo Norway.

Gabadha ayaa aheyd 12 sano jir xiliga uu guursaday ninkan siiriyaanka ah oo da´a ahaan xiligaas jiray 25 sano. Waxeyna u dhashay labo caruur ah, iyada oo ilmaha koowaad(1) dhashay markii ay jirtay 13 sano, halka ilmaha labaadna(2) ay dhashay markii ay jirtay 16 sano.

Ninka Siiriyaanka ah ayaa sanadkii 2015 sharci magangalyo ah ka helay dalkan Norway, wuxuuna sanadkii 2017 codsaday in xaaskiisa iyo ilmihiisa loo keeno Norway. Balse hey´adda qoxootiga ee UDI-da ayaa siisay diidmo ku saabsan codsiga dacwada qoyska, iyada oo lagu sababeynayo inuu guursaday gabar 12 sano jir ah, taas oo kasoo horjeedo qaanuunka Norway.

Hey´adda kale ee UNE ayaa iyadna go´aankaas hore ku raacday hey´adda UDI-da, wuxuuna kiiskii tagay maxkamada sarre ee Norway oo hada burisay go´aankii ay gaareen hey´addaha qoxootiga, ninkaas u ogolaatay in xaaskiisa Norway loo keeno.

Maxkamada sarre ayaa go´aankeeda ku saleysan in xaaska ninka ay hada tahay qof qaangaar ah oo ka weyn 18 sano, sidoo kale ay ilmo u heyso ninka Siiriyaanka ah ee Norway ku sugan. Dhanka waxey maxkamadu go´aankeeda ku saleysay in labada qof ee isku dacweynayo ay rabaan inay dib u mideeyaan noloshooda qoysnimo, ayna hal meel ku wada noolaadaan.

Maxkamada sarre ee Norway ayaa dhanka kale go´aankeeda u cuskutay qodobka 8.aad ee axdiga xuquuqul insaanka Yurub, kaas oo qeexaya xaq lahaanshaha qofka ee inuu helo nolol qoys oo u gaar ah.

Go´aanka maxkamada sarre ee kiiskan ayaa loo arkaa mid muhiim ah, maadaama horey qoysas badan oo soo galooti ah loogu diiday inay la midoobaan lamaanahooda, iyaga oo loo cuskunayo qodob ah inay qofkaas(xaas/nin) guursadeen iyada/isaga oo aan qaangaar aheyn.

Xigasho/kilde: Høyesterett har gitt oppholdstillatelse til en syrisk innvandrer som var 12 år da hun giftet seg i 2012.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments