Denmark oo meelmarisay sharci qoxooti oo caalamka ka yaabiyay: Dalkii ugu horeeyay!

0
160
Wasiirkii hore ee soo galootiga Denmark oo heshiis la saxiixanayo dowlada Rwanda.

Baarlamaanka dalka Denmark ayaa isku raacay soo jeedin katimid xisbiga ay hogaamiso reysulwasaaraha Denmark, Mette Frederiksen ee Socialdemokratiet. Soo jeedintan ayaa ku saabsan in dowlada Denmark ay dal ku yaalo qaarada Africa ka furto xero qoxooti oo lagu xareeyo dadka qoxootiga ah ee iska soo dhiiba ama magangalyada ka codsado dowlada Denmark.

Soo jeedintan ayaa ku saabsan in qoxootiga imaada dalka Denmark ee magangalyada codsada la geeyo(loo xawilo) xerada qoxooti ee Afrika laga furi doono, halkaasna ay ku maraan wareysiga qoxootiga, ayna joogaan ilaa kiiskooda go´aan laga gaarayo. Kadibna Denmark la keeno, hadii ay helaan magangalyada qoxootiga oo kali ah.

Wuxuuna meelmarinta sharcigan ka dhiganyahay in Denmark aysan dhulkeeda ku qaabili doonin hal qof oo qoxooti ah.

Sharcigan ay meelmariyeen baarlamaanka Denmark ayaa ah isbadalkii ugu weynaa ee siyaasadda qoxootiga Denmark ku imaado, 70-kii sano ee ugu danbeeyay.

Denmark ayaa horey ugu casuuntay Norway inay kala qeybqaadato qorshahan, waxaana xiligaas ka ogolaaday xisbigii Frp ee xukuumada kujiray. Laakiin wasiiradda cusub ee cadaalada Monica Mæland ayaa qorshahaas ka diiday denmark, kadib marka ay xafiiska la wareegtay sanad iyo bar kahor.

Dalalkan midkood ayaa laga furi doonaa:

Wasiirka arrimaha soo galootiga Denmark Mattias Tesfaye oo asal ahaan Ethiopian ah, ayaa bilihii lasoo dhaafay socdaalo ku maray dalal kala duwan oo qaarada Afrika ah, isaga oo kala hadlayay madaxda dalalkaas martigalinta xerada qoxooti ee Denmark ay rabto inay ka furto Afrika. Ilaa hada waxaa la hadalhayaa mid kamid dalalka Tunuusiya, Itoobiya, Masar iyo Ruwaandha inay marti galin doonaan xerada.

Hey´adda qaramada midoobay u qaabilsan ee UNHCR iyo ururada xuquuqul insaanka ayaa horey u dhaleeceysay qorshahan, waxeyna baarlamaanka Denmark ka codsadeen ineysan sharcigaas ansixin.

Xigasho/kilde: Mottakssenter i utlandet vedtatt i Danmark.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments