Dowlada oo joojineyso arrintan oo markii ajaaniibta loogu daneynayay.

0
101
Nikolai Astrup: Wasiirka dowladaha hoos ee Norway. Foto: Torbjørn Tandberg/KMD

Dadka raba inay codsadaan shaqooyinka banaan ee hey´addaha dowlada, ayaa in mudo ah fursad u heystay inay qariyaan magacooda, marka ay dirayaan codsiga shaqada, taas badalkeeda ay sheegaan aqoontooda iyo khibrada ay shaqada u leeyihiin.

Arrintan ayaa ujeedkeedu ahaa in laga hortago in dadka ajaaniibta ah lagu cunsuriyeeyo magacooda, isla markaana aan loogu yeerin wareysigas shaqada, xitaa hadii ay aqoon iyo khibrad shaqadaas u leeyihiin.

Baaritaano hore oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in jaaniska qofka wata magac ajnabi loogu yeero wareysi shaqo uu 25% ka yaryahay jaaniska uu heysto qofka wata magac Norwiiji ah. Arrintaas ayaa dad badan ku qasabtay inay badashaan magaca, marka ay codsanayaan shaqooyinka, si magacooda aan loogu faquuqin, waxeyna magacyadooda u badaleen magacyo u eg magacyada caanka ka ah Norway.

Dowlada ayaa maanta sheegtay in qorshahaas uu tijaabo ahaa u shaqeyn waayay sidii loogu talagalay, uuna yeelan waayay wax saameyn muuqato oo ku saabsan shaqaaleysiinta ajaaniibta Norway. Sidaas darteed ay dowladu joojin doonto adeegsiga in qofku uu magaciisa qarin karo, marka uu dirayo codsiyada shaqooyinka ka banaan hey´addaha dowlada.

Wasiirka dowladaha hoose iyo casriyeynta(digital) Norway Nikolai Astrup ayaa sheegay in qorshahaas uu u shaqeyn waayay sidii ay dowladu ka rajo qabtay, sidaas darteed ay dowladu go´aansatay in la joojiyo, badalkiisana la keeno qorshe kale oo kor u qaada jaaniska shaqo siinta dadka ajaaniibta ah.

Xigasho/kilde: Staten skrotar anonym jobbsøking: – Ikkje det resultatet me håpa på.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments