Reysulwasaaraha Norway oo 20.000 kr oo ganaax ah lagu ciqaabay.

0
94
Foto: Statsministerkontoret

Booliska deegaanka Geilo ee dalkan Norway, ayaa 20.000 kr oo ganaax lacageed ah ku ciqaabay reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg, kadib markii baaritaan kadib ay cadaatay in reysulwasaaruhu ay jabisay xeerarka xakameynta feyruska Corona.

Booliska ayaa horey reysulwasaaraha ugu eedeeyay inay jabisay xeerka Corona, kadib markii xubno kamid ah qoyskeeda ay isugu imaadeen goob casho ah, iyaga oo tiro ahaan gaarayay 14 qof. Balse xeerka dowlada ee Corona ayaa xiligaas sheegayay in 10 qof ka badan, aysan goob isugu imaan karin. Halkan kasii akhri

Ole B. Sæverud oo ah madaxa booliska deegaanka Geilo, ayaa sheegay in hadii reysulwasaaruhu ay ahaan laheyd qof caadi ah, ay danbiga ay gashan aysan ku mudnaan laheyn wax ciqaab ah. Laakiin maadaama ay tahay qofka ugu sareeyo ee kalsoonida shacabka heysto, iyo inay iyado soo rogtay sharciga ay jabisay, ay muhiim in ciqaab u dhiganta falka ay sameysay lagu abaalmariyo.

Ninka reysulwasaaraha Norway Sindre Finnes ayaan lagu ciqaabin wax ganaax lacageed ah, inkasta oo boolisku ay sheegeen in isaguna uu qeyb ka ahaa kulanka qoyska reysulwasaare Solberg ee kulanka cashada ah ku kulmay.

Erna Solberg ayaa dhowr mar oo hore raali-galin ka bixisay falkaas, waxeyna sheegtay inaysan si sax u fahmin sharciyada ay dowlada ay iyadu hogaamiso soo rogtay.

Xigasho/kilde: Solberg ilagt en bot på 20.000 kroner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments