Nav oo isku diyaarineyso in lacagta fasaxa(F.p) la siiyo dadka «Dagpenger» kujiray sanadkii 2020.

0
133

Lacagta fasaxa ama Feriepenger, waxaa caadi ahaan la siiyaa qofka shaqeeyo, waxaana bixiya shaqa-bixiyaha maadaama ay qeyb ka tahay sharciga mushaar-siinta ee shaqaaleysiinta ee qofka. Waxaa lacagtaas oo gaareysa ilaa 12% mushaarka uu qofku sanadkii lasoo dhaafay shaqeeyay, inta badan la bixiyaa bilaha xagaaga ee sanadka uu qofka shaqeeyay ma ahaane, sanadka ku xiga.

Balse maadaama sanadkii lasoo dhaafay dad badan laga fariisiyay shaqooyinkii ay ka shaqeyn jireen, waxaa soo baxday dood cusub oo ku saabsan lacagta fasaxa. Xisbiyada mucaaradka ayaa soo jeedyay in dadka laga fariisiyay shaqooyinkoodii ee hada NAV ka qaata «Dagpenger», ay mudanyihiin in la siiyo lacagta fasaxa. Maadaama uu Corona feyrus ka hor istaagay dakhligii shaqada kasoo gali jiray.

Dadkan ayaa lacagta fasaxa heli kara xagaagan 2021:

Baarlamaanka Norway ayaa dood adag kadib ugu danbeyn isku raacay sharci ogolaanaya in dadka qaata dagpenger ay xaq u lahaan karaan qaadashada lacagta fasaxa, hadii ay buuxiyaan shuruudaha qaarkood. Sharcigan oo ay baarlamaanku isku raaceen bishii February ee sanadkan, ayaan wali noqon mid dhaqan-galay, waxaana dhaqangalkiisa ku socoto howl daa-dejin sharci ah.

Sida ku xusan qoraalka lagu meelmariyay sharcigan ay baarlamaanka Norway isku raaceen, waxaa lacagta fasaxa xagaagan 2021 heli kara:

  • Qofkii dagpenger qaatay mudadii u dhaxeysay April ilaa Desember sanadkii tagay ee 2020.
  • Qofkii mudadaas(April-Desember 2020) ugu yaraan dagpenger qaadanayay sideed(8) isbuuc.

Inkasta oo sharcigan aan wali la dhaqangalin, laakiin NAV ayaa rajo ka qabto in sharcigaas ay baarlamaanku isku raaceen la meelmariyo inta aan la gaarin bilaha fasaxa. Waxeyna NAV xiligan isku diyaarineysaa in dadkaas la siiyo lacagta fasaxa xagaagan 2021.

Xigasho/kilde: Nav er klare for å betale ut feriepenger på dagpenger før sommerferien.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments