R.w Solberg oo jabisay sharcigii ay iyadu soo rogtay: Raali ahaada, ma aanan hubin!

0
123
Sawirka reysulwasaaraha Norway iyo ninkeeda oo fasax kujiro. Foto: Instgram-Erna Solberg

Reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg iyo xubno kamid ah qoyskeeda ayaa jabiyay xeerarka xakameynta feyruska Coronavirus, sida uu qoray tv-ga qaranka ee NRK. Solberg ayaa jabisay isla xeerarka ay dowladeedu soo rogtay, dadkana ay ka codsan jirtay inay raacaan ama u hogaansamaan.

Dowlada Norway ayaa bishii February soo rogtay in dad ka badan 10 qof, aysan isugu imaan karin kulan gaar ah. Waxaana arrintaas looga dan lahaa xakameynta faafitaanka Corona oo markaas aad usii fidiyay.

Reysulwasaaraha ayaa bishii February ee sanadkan fasax la gashay ninkeeda iyo xubno kamid ah qoyskeeda, si ay ugu dagaaldegto sanadguurada dhalashadeeda. Xubnaha qoyska Solberg ayaa xiliga ay fasaxa kujireen goob maqaaxi ah isugu yimid kulamo casho ah labo habeen oo kala duwan. NRK ayaa helay xog ah in tirada dadka kulamadaas cashada ah ka qeybgalay ay ahaayeen 14 qof, tiradaas oo ka badan tirada dadka ugu badan ee dowladu ay ogoleyd inay isku imaan karaan.

Solberg: Raali ahaada, sharciga si fiican uma akhrin.

Solberg ayaa markii arrintaas su´aalo laga weydiiyay qiratay arrinta lagu eedeeyay. Waxeyna barteeda Facebooka kusoo qortay sharaxaad iyo faah-faahin dheeri ah oo arintaas sida ay arrintaas ku dhacay. Halkan ka fiiri.

Reysulwasaaraha ayaa sharaxaad dheer kadib bixisay raali-galin, waxeyna sheegtay inaysan iska hubin sharciyada ay iyada iyo dowladeedu soo rogtay ee ku saabsanaa tirada dadka ugu badan ee kulan ama xaflad isugu imaan kara. Iyada oo qiratay inay fahansantahay fadeexada ay arrintan leedahay iyo in iyadu ay raaci-weydo sharciyadii ay dowladeedu soo rogtay.

Booliska: Kiiskaan waan fiirin doonaa:

Wasiirka caafimaadka Norway Bent Høie ayaa sheegay in madaxda dowlada ee soo roga sharciyada ay aheyd inay iyagu xil dheeri ah iska saaraan inay u hogaansamaan shuruucda.

Booliska deegaanka ay Erna fasaxa ku joogtay ayaa sheegay in ilaa hada aysan helin dacwad ka dhan reysulwasaaraha oo ku saabsan qaladka ay gashay. Balse waxey sheegeen inay kiiskaas fiirin doonaan, marka ay waqti u helaan.

Xigasho/kilde: Erna Solberg og familien brøt smittereglene: – Jeg kan bare beklage.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments