Lillehamar: Soomaali kaniisado gubay oo 4 sano oo xabsi ah lagu xukumay.

0
89
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada magaalada Lillehamar ayaa maanta afar(2) sano iyo labo(2) bilood oo xabsi ah ku xukuntay 28-jir soomaali ah oo lagu helay danbi ah inuu gubay kaniisad taariikhi ah, halka uu isku dayay gubitaanka kaniisad kale.

Ninkan ayaa sida uu qoray NRK, 20-kii qirtay in bishii February ee sanadkii hore uu si ula kac ah dab u qabasiiyay kaniisada taariikhiga ah ee Dombås kirke ee deegaanka Dovre. Waxaana kaniisada gaaray dhaawacyo waaweyn oo dabka ka dhashay, iyada oo khasaaraha maaliyadeed ee kaniisadaas gaaray markii hore lagu qiyaasay 20 milyan. Laakiin qiimeyn cusub oo lagu sameeyay khasaaraha kaniisada ayaa lagu sheegay inuu yahay 35 milyan oo kr. Wuxuuna sidoo kale 19-ka bishii Maarso ee sanadkii 2020 uu isku dayay inuu gubo kaniisad kutaal deegaanka Sel ee gobolka Innlandet, inkasta oo lagu guuleystay in dabkaas si dhaqso ah loo damiyo, uusana geysan dhaawacyo waaweyn.

Xeer ilaalinta ayaa codsatay in ninkan lagu xukumo 5 sano, balse maxkamada ayaa xukunkiisa ka dhigtay 4 sano iyo 2 bilood. Maxkamada ayaan sidoo kale ninkan ku xukumin inuu bixiyo wax magdhow dhaqaale ah oo la xiriira khasaaraha maaliyadeed ee kaniisadaha uu gubay.

Kuma talo-jirin inaan danbi geysto:

Ninkan soomaaliga ah oo Norway magangalyo ka helay sanadkii 2016 ayaa shegay inuusan ku talo-jirin inuu noloshiisa wax danbi ah geysto, balse uu ka xanaaqay kadib markii uu TV-ga ka arkay nin gubayo kitaabka quraanka ah ee Kariimka. Baaritaan kadibna, uu ogaaday in ninkaas aan la marsiin wax ciqaab ah. Taasna ay ka keentay caro ah inuu ku dhaqaaqo falka gubitaanka kaniisadaha, isaga oo u aargudayo kitaabkaas la gubay. Halkan kasii akhri.

Maxkamada ayaa dhanka kale ku qiimeysay in ninkan soomaaliga ah uu ka yimid Soomaaliya oo ah dal ay mudo dheer ka socdeen colaado sokeeye, taas oo saameyn ku yeelan karto awooda qiimeynta ee qofka, marka uu sameynayo ficil keeni kara dhaawac xoogan.

Xigasho/kilde: Mann dømt til fire år og to måneders fengsel for kirkebrannen på Dombås.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments