Tirada dadka laga helay Corona-virus ee Oslo oo mar kale cirka isku shareertay.

0
96

24-tii saac ee ugu danbeysay waxaa guud ahaan Norway laga diiwaangaliyay 828 kiis oo ah dad laga helay feyruska Corona. 293 kamid ah dadkaas ayaana degan magaalada Oslo, sida ku cad tirokoobka ay sameysay hey´adda FHI. Waana tiradii ugu badneyd oo kiisas Coronavirus ah 24 gudahood laga diiwaangaliyo magaalada Oslo.

Magaalada Oslo, gaar ahaan xaafadaha ay ku badanyihiin dadyowga ajaaniibta ah ayaa xiligan ah meelaha ugu badan ee ay kunoolyihiin dadka laga helay feyruska Corona.

Guud ahaan waxaa isbitaalada Norway xiligan yaalo 155 qof oo uu soo ritay feyruska Corona. Waxaana isku dar xanuunka u dhintay 632 qof

Dowlada ayaa daqiiqado kadib lagu wadaa inay soo saarto xeerar cusub oo la xiriira xakameynta feyruska Coronavirus.

Xigasho/kilde: Regjeringen innfører ikke nye nasjonale tiltak i dag.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments