Lillehamar: Soomaali kaniisado gubay oo maxkamad lasoo taagay.

0
342

Maxkamada magaalada Lillehammar ee dalkan Norway, waxaa maanta ka bilaabatay maxkamadeynta nin 28-sano jir soomaali ah, oo ku eedeysan inuu dab qabadsiiyay labo kaniisadood oo kuyaalo deegaanada Sel iyo Dovre ee gobolka Innladet. Maxkamada oo markii hore la qorsheeyay inay dhacdo bishii August ee sanadkii 2020, ayaa dib u dhacday sababo caafimaad oo eedeysanaha lasoo darsay awgood.

Halkan ka akhri warkii aan horey uga qornay.

Ninkan ayaa sida uu qoray NRK, 20-kii bishii February ee sanadkii 2020 si ula kac ah dab u qabasiiyay kaniisada taariikhiga ah ee Dombås kirke ee deegaanka Dovre. Waxaana kaniisada gaaray dhaawacyo waaweyn oo dabka ka dhashay, iyada oo khasaaraha maaliyadeed ee kaniisadaas gaaray lagu qiyaasay 20 milyan kr.

Halka 19-ka bishii Maarso ee sanadkii 2020 uu isku dayay inuu gubo kaniisad kutaal deegaanka Sel ee gobolka Innlandet, inkasta oo lagu guuleystay in dabkaas si dhaqso ah loo damiyo, uusana geysan dhaawacyo waaweyn. Booliska ayaa ninkan soomaaliga ah soo qabtay 21-ka bishii Maarso ee 2020, wuxuuna wareysi kadib qirtay inuu isagu ka danbeeyay labada kiis ee la xiriira gubitaanka kaniisada Dovre iyo isku deyga gubista kaniisadda Sel.

Sida ay qorayaan warbaahinta Lokalka ah, 28-jirkan ayaa Norway soo galay sanadkii 2015, wuxuuna Norway magangalyo ka helay sanadkii 2016. Ninkan ayaa xiliga uu falkan geysanayay ka shaqeynayay kaalin lagu iibiyo shidaalka(Bensin stasjon) oo tababar shaqo ahaan ay u geysay NAV.

Ninkan soomaaliga ayaa horey maxkamada kahor qirtay danbiga lagu eedeeyay, isaga oo sheegay inuu ka xanaaqsanaa kitaab quraan ah oo bishii November ee sanadkii 2019 lagu gubay magaalada Kristiansand ee dalkan Norway. Ninkan ayaa sida uu qoray wargeyska GD sheegay.

AAD IYO AAD AYAAN UGU XANAAQAY IN KITAABKA QURAANKA LA GUBAY, IYADA OO AAN CIDNA LOO CIQAABIN. QURAANKA MICNO WEYN AYUU II LEEYAHAY.

Dhageysiga dacwada ka dhanka ah ninkan soomaaliga ah ayaa maxamada Lillehamar ka socon doonto sadex maalin.

Xigasho/kilde: Nå er kirkebrannsaken i gang.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments