Dowlada: Xuduudku wuu sii xirnaan doonaa ilaa Maarso.

0
86
Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie. Foto: Eirin Larsen, SMK

Xubno katirsan golaha wasiirada dowada Norway oo daqiiqado kahor soo gaba-gabeeyay shir jaraa´id oo ku saabsan xaaladda Norway ee Feyruska Corona, ayaa sheegay in xuduudka Norway uu sii xirnaan doono ilaa laga gaaro bisha Maarso ee sanadkan.


Norway ayaa 29-ka bishii January xiratay xuduudkeeda, iyada oo diiday in dadka aan Norway ku nooleyn ay soo galaan xuduudkeeda, ilaa ay jirto sabab laga maarmaan ah ma ahaane. Arrintaas ayaana keentay in boqolaal qof oo rabay inay soo booqdaan qaraabadooda oo Norway kunool ama howli ganacsi ay u imaadaan laga celiyo xuduudaha Norway.

Riix sawirka, si aad macluumaad dheeri ah uga ogaato App-ka.

Wasiiradda cadaalada Norway Monica Mælend oo shirka jaraa´id ka hadashay, ayaa sheegtay in dowladu ay go´aamisay in la dheereeyo mudada ay xirnaan doonaan xuduudaha Norway, lana gaarsiiyo ilaa bisha Maarso ee sanadkan. Kadibna ay dowladu sameyn doonto qiimeyn ku saabsan arrintaas.

Sababta ugu weyn ee dowladu ay xuduudka u xirtay, ayaa ah cabsida laga qabo in nooca cusub ee feyruska Corona uu kusoo faafo gudaha Norway.

Yaan la safrin:

Xubnaha katirsan golaha wasiiradda ee shirka qabtay ayaa dhanka kale sheegay in dowladu ay dadweynaha ka codsaneyso ineysan u bixin safar dibadda ah oo laga maarmi karo ama aa loo bixin dalxiis dibadda ah. Waxeyna mar kale dadka ugu baaqeen inay qeyb ka qaataan

Xigasho/kilde: Mutantene skal forsinkes med fortsatt stengte grenser.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments