Dowlada oo baajisay imtixaanada sanad dugsiyeedkan.

0
207
Wasiiradda waxbarashada, Guri Melby iyo reysulwasaaraha Foto: Ida Dahl Nilssen/SMK

Wasiiradda waxbarashada Norway, Guri Melby ayaa sheegtay in dowladu ay go´aansatay in la baajiyo imtixaanada dawliga ah ee qoraalka ah ee sanad-dugsiyeedkan ay gali lahaayeen ardada dhigata dugsiyada dhexe( ungdomsskolen) iyo kuwa dugsiyadda sarre( videregående skole). Waxaana arrintan loo sababeeyay xaaladda feyruska safmarka ah ee Corona.


Sida caadada ah ardeyda dhigata fasalka 10-aad ee dugsiyada dhexe ee Norway iyo fasalka Sadexaad ee dugsiyada sarre ayaa laga qaadaa imtixaan ay soo diyaarisay dowlada, kaas oo ka baxsan imtixaanada uu ardeygu iskuulkiisa ku galo. Waana imtixaano si isku mid ah oo siman looga qaado dhamaan ardeyda kunool dalka oo dhan.

Riix sawirka, si aad u hesho macluumaad dheeri ah.

Dowlada ayaa maalmihii ugu danbeeyay la kulmeysay cadaadis xoogan oo ku aadan arrinta qaaditaanka imtixaanada, maadaama ay jiraan dad badan oo kasoo horjeeday in imtixaanka sanad dugsiyeedka la baajiyo, halka dadka qaarkoodna ay taageersanaayeen.

Dad badan ayaa aaminsanaa in arrintan ay cadaalad daro ku tahay ardeyda sanadyadii lasoo dhaafay qaatay imtixaanada dowlada, kuwaas oo tartan boosaska jaamacadaha ah kala kulmi karo ardeyda iyaga oo aan imtixaan laga soo qaadin, si toos ah u helay shahaadada dugsiyada sarre.

Dowlada ayaa ugu danbeysay qaadatay go´aanka baajinta imtixaanada, oo ay wasiiraddu sheegtay inuu ahaa go´aan adag.

Dadka iskood u galayo imtixaanka(Privatister), wey qaadan karaan:

Inkasta oo dowladu ay joojisay imtixaanada, hadana dadka raba inay iyagu iskood u qaataan imtixaanada dowliga ah ayaa sii wadan kara qorshahooda imtixaan galista. Waxaa jiro dad badan oo ay qasab ku tahay inay imtixaanka dowliga ah ay qaataan, si ay u helaan shahaadada dugsiyada sarre

Dowlada ayaa sheegtay inay raba inay imtixaanka iskood u qaataan, ay tixgalin siin doonto.

Xigasho/kilde: Skriftlige eksamener på ungdomsskoler og videregående avlyses

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments