torsdag, april 25, 2024

Norway: Soomaali kaniisado gubay oo maxkamad lasoo taagay.

Maxkamada deegaanka Otta ee degmada Sel ee gobolka Innladet(Eks Hedmark-Oppland), waxaa isbuucan ka bilaabatay maxkamadeynta nin 28-sano jir soomaali ah, oo ku eedeysan inuu dab qabadsiiyay labo kaniisadood oo kuyaalo deegaanada Sel iyo Dovre ee gobolka Innladet.

Ninkan ayaa sida uu qoray NRK, 20-kii bishii February ee sanadkan 2020 si ula kac ah dab u qabasiiyay kaniisada taariikhiga ah ee Dombås kirke ee deegaanka Dovre. Waxaana kaniisada gaaray dhaawacyo waaweyn oo dabka ka dhashay, waxaana khasaaraha maaliyadeed ee kaniisadaas gaaray lagu qiyaasay 20 milyan kr.

Isla ninkan soomaaliga ah ayaa bil kadib gubitaanka kaniisada koowaad, bishii Maarso ee sanadkan hadana dab qabadsiiyay kaniisada deegaanka Sel, balse waxaa dabka arkay waardiyayaasha kaniisada oo ku guuleystay inay damiyaan kahor inta uusan fidin oo uu dhaawacyo waaweyn geysan.

28-jirka soomaaliga ayaa maxkamada kahor qirtay danbiga lagu eedeeyay, isaga oo sheegay inuu ka xanaaqsanaa kitaab quraan ah oo bishii November ee sanadkii 2019 lagu gubay magaalada Kristiansand ee dalkan Norway. Ninkan ayaa sida uu qoray wargeyska GD sheegay:

Aad iyo aad ayaan ugu xanaaqay in kitaabka quraanka la gubay, iyada oo aan cidna loo ciqaabin. Quraanka micno weyn ayuu ii leeyahay.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inuu qorshaha uu kaniisada ku gubay uusan cidna la qeybsan, cidana kala qeybgalin, wuxuuna sheegay inuu gadaal ka dareemay in ficilka uu sameeyay uu ahaa mid qaldan, isaga oo qaadiga maxkamada ka rajeeyay xukun cadaalad ah.

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah ee deegaanada Gudbrandsdalen ninkan ayaa Norway soo galay sanadkii 2015, isaga oo sharci magangalyo ku lahaa wadanka.

Dhageysiga dacwada ka dhanka 28-jirka soomaaliga ah oo bilaabatay maalintii arbacada, ayaa la qorsheeyay inay socoto mudo 2 maalmood ah, balse maxkamada ayaa hadana dib u dhigtay dhameystirka dhageysiga dacwadan, sababo la xiriira xaalada caafimaad ee eedeysanaha.

Xigasho/kilde:

1) I retten for å ha tent på Dombås kirke – var hevn for koranbrenning

2) Kirkebrannrettssak utsettes på grunn av tiltaltes helsetilstand.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x