Deg-deg: Siv Jensen oo 15 sano kadib, iska casishay gudoomiyaha xisbiga Frp.

0
132
Siv jensen. Foto: Kenneth Hætta / Finansdepartementet

Wasiiraddii hore ee maaliyada dowlada Norway, Siv Jensen ayaa saacad kahor sheegtay inay iska casishay xilkii gudoomiyaha xisbiga Frp oo ay heysay 15-tii sano ee ugu danbeysay.

Siv Jensen ayaa shir jaraa´id oo ay qabatay ku sheegtay in marka uu dhamaado mudo xileedkeeda gudoomiyaha, aysan mar kale isku soo sharixi doono jagada gudoomiyaha xisbiga Frp, xilkaas oo ay heysay tan iyo sanadkii 2006. Iyada oo sheegtay inay mudo dheer oo ay siyaasada kujirtay kadib, ay go´aansatay inay waqti dheeri ah siiso qoyskeeda iyo arrimaha kale ee shaqsiga ah.

Jensen oo 20-kii sano ee ugu danbeeyay kamid aheyd siyaasiyiinta ugu caansan, uguna miisaanka culus siyaasadda Norway, ayaa sheegtay in xilka gudoomiyuhu uu ahaa shaqo aan dhamaan 24-saac oo xiriir ah, una baahneyd inuu qofku u sameeyo dhabar adeyg tiro badan iyo adkeysi xoogan. Sidaas darteed ay rabto in wixii hada ka danbeeyo ay waqti galiso arrimaheeda kale ee nolosheeda, ayna dib uga degto jagada gudoominta xisbiga.

Is casilaada Siv Jensen, ayaa kusoo aadeysa xili xisbiga Frp uu sanadkii ugu danbeeyay lumiyay taageero aad u badan, uuna ku yimid hoos u dhac siyaasadeed, kadib markii ay doorteen inay ka baxaan xukuumadda ay hogaamiso reysulwasaare Erna Solberg.

Xigasho/kilde: Siv Jensen går av som partileder: − Jeg har kvernet på dette lenge

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments