Denmark oo rabta inay xero qoxooti Afrika ka furto: Norway hanagu taageerto.

0
65
Mette Frederiksen : Reysulwasaaraha cusub ee Denmark

Wasiirka arrimaha soo galootiga dalka Denmark, Mattias Tesfaye ayaa sheegay in dowladiisu ay ka fakareyso in mid kamid ah dalalka Afrika laga furo xero qoxooti oo ay dowladaha Yurub qarash ku bixiyaan. Si halkaas loogu xareeyo qoxootigii Denmark ama Yurub imaan lahaa, loogana hortago inay muhaajiriin nolol raadis ah ay bYurub usoo tahriibaan.


Tesfaye oo asal ahaan kasoo jeedo Ethiopia(dhinaca aabaha), ayaa ku celiyay fariinta ku saabsan in xero qoxooti laga furo meel ka baxsan Yurub, taas oo ay horey ugu dhawaaqday reysulwasaaraba dalka Denmark, haweeneyda lagu magcaabo Mette Frederiksen. Waxeyna reysulwasaaraha Denmark muujisay in dowladeedu ay rabto, inay cadaadis ahaan u adeegsato lacagta deeqaha ah ee la siiyo dalalka Afrika.

Wasiirka soo galootiga Denmark ayaa aaminsan in sida ugu fiican ee looga hortagi karo in qoxootigu ay Yurub imaadaan, ay tahay in xeryo qoxooti looga sameeyo meelo ka fog xuduudaha Yurub, halkaasna ay dowladaha Yurub sanad walba kasoo qaataan tiro cayimahan oo qoxooti ah halkaas. Wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid labada dhinacba u wanaagsan.

Si qorshahan uu noqdo mid hirgala, dowladaha Denmark ayaa taageero ka raadineyso dalalka Norway iyo UK, kadib markii ay horey ugu soo hungoobeen inay taageero arrintan uga dhex helaan wadamada Midowga Yurub.

Xigasho/kilde: Danskene vil ha bistandsfinansierte asylmottak i Afrika – ber om hjelp fra Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments