Frp oo ka hadlay qoyskii soomaalida ahaa ee gurigoodii xoogga looga saaray.

0
152
Aina Sten­ersen: Gudoomiyaha laanta Frp ee Oslo. Foto: Frp/Privat
Booliska oo aabaha qoyska, gurigiisa si xoog ah uga bixinayo. Foto:Bjarte Breiteig

Muuqaal-baahiyaha TV2 ayaa maalintii sabtida aheyd soo bandhigay sheekada Maxamed Jaamac iyo qoyskiisa oo isku dar ka kooban 7 qof, kuwaas oo si xoog ah ay boolisku uga bixiyeen gurigii ay ku noolaayeen tobankii sano ee ugu danbeeyay, kaas oo ahaa guri dowladu leedahay. Kadib amar ka yimid maamulka guryaha ee xaafada Gamle Oslo. Halkan kasii akhri warkii aan arintan ka qornay.

Dad badan oo ka xanaaqsan sida qaabka xun ah ee loola dhaqmay qoyskan soomaaliyeed, ayaa falceli xoogan ku muujiyay baraha bulshada, waxaana dhanka kale internetka ka socotay lacag olole uruurin ah oo qoyska loo sameynayay. Lacag uruurintaas oo markii hore ujeedkoodu uu ahaa in lasii uruuriyo 50.000 kr, ayaa hada kusii socoto 1.500.000(Hal milyan iyo shan boqol oo kr). Halkan kasii akhri.

Siyaasiyiin caro xoogan ka muujiyay:

Kadib markii ay warbaahintu soo bandhigtay qisada qoyskan soomaalida ah, waxaa aad caro xoogan arrintan ka muujiyay siyaasiyiinta xisbiyada qaarkood, gaar ahaana laamahooda magaalada Oslo. Waxeyna siyaasiyiintaas dhaleeceyn xoogan ujeediyeen maamulka xaafada Gamle Oslo ee bixiyay amarka qoyskan guriga looga saaray.

Grunde Almeland oo ah gudoomiyaha laanta xisbiga Venstre ee magaalada Oslo, ayaa TV2 u sheegay in qaabka ay degmadu ula dhaqantay qoyskan, ay aheyd mid aad looga naxo. Wuxuuna sheegay in maamulka guryaha ee xaafada Gamle Oslo iney arrintan si caqli gar ah u qiimeeyaan, kahor inta aysan go´aanka guri ka saaritaanka, aysan gaarin.

Sidoo kale Espen Andreas Hasle oo ah xubnaha golaha deegaanka ee xisbiga Krf ee magaalada Oslo, ayaa isna arrintan ku tilmaamay, mid laga xumaado, wuxuuna cadeeyay in kiiska qoyskan hordhigi doono maamulka degmada Oslo, uuna ka dalbanayo inay baaritaan ku sameeyaan sababta ay arrintan ku dhacday.

Frp Oslo: Aad bey u xumeyd qaabka qoyskaas loola dhaqmay.

Aina Sten­ersen: Gudoomiyaha laanta Frp ee Oslo. Foto: Frp/Privat

Aina Stenersen oo ah gudoomiyaha laanta xisbiga midigta fog ee Frp, ayaa iyaduna qaabka ay maamulka guryaha ee xaafada Gamle Oslo ula dhaqmeen qoyskan soomaalida ah ku tilmaantay wax laga argagaxo(cabsado). Iyada oo cadeysay in waxa aad looga yaabay, ay tahay in qoyskaas laga tuuro gurigooda ay ku noolaayeen 10 sano, iyada oo aysan wali jawaab ka helin ama uusan xirmin kiiskii dacwada ahaa oo ay ka gudbiyeen go´aankii koowaad ee degmada(Klage).

Aina Stenersen oo dhinaca kalena ah gudiga caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee golaha deegaanka ee magaalada Oslo, ayaa sheegtay inay dhaleeceyneyso qaabka ay degmada bydel Gamle Oslo ula dhaqantay qoyskan ka kooban 7-da qof.

Xigasho/kilde: Oslo Frp ber byrådet svare om omstridt utkastelsessak.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments