Ap iyo Sp oo dowlada u muujiyay taageero: Beenta waalidka yaan ilmaha qoxootiga loo ciqaabin.

0
116
Gudoomiyeyaasha xisbiyada Krf iyo Høyre. Foto: Eirin Larsen, SMK

Xisbiyada sadexda ah ee dowlada, gaar ahaan labada xisbi ee KrF iyo Venstre ayaa jimcihii sheegay inay rabaan in isbadal lagu sameeyo sharuucda soo galootiga dalkan Norway, si ilmaha la keeno ama Norway ku dhasha aan loogu ciqaabin danbiyada ay waalidka geleen, hadii ay soo baxdo in waalidku uu been sheegay. Halkan kasii akhri

Dowlada ayaa sheegtay inay rabto in shuruucda ajaaniibta ee dalkan Norway sameeyo isbadal, si waalidka ajaaniibta ah ee beenta sheegay loogu ciqaabo ganaaxyo nooc kale ah, hadii ay muuqato in tarxiilkooda uu saameyn xoogan ku yeelan doono caruurtooda oo wadanka ku dhashay ama la keenay iyaga oo yar-yar.

Sadexdan xisbi ee dowlada ku mideysan, ayaa taageero uga baahnaa mid kamid ah xisbiyada Ap ama Sp, si ay qorshahaas uga meelmariyaan baarlamaanka Norway. Labada xisbi ee Ap iyp Sp ayaa hada muujiyay in qorshahaas ay taageeri karaan, hadii dowladu ay ku dhiirato inay soo bandhigto.

Dowlada ayaa soo jeedisay in waalidkaas lagu soo rogo ciqaab nooc kale ah, tusaale ahaan inay sadex sano oo dheeri ah sugaan sharciga degenaanshaha rasmiga ah. Lana ogolaado in marka ay hey´addaha qoxootiga ka shaqeynayaan kiisaskan ay tixgalin iyo mudnaan gooni ah siiyaan kiisaska ay caruurta qeyb kamid ah nolosha qofka yihiin.

Xigasho/kilde: Ap og Sp sikrer flertall for annen straff enn utvisning for å skåne asylbarn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments