lørdag, mai 4, 2024

Dagbladet: Somaliland oo dil ku xukuntay nin heysto dhalashada Norway.

Sida uu qoray wargeyska Dagbladet ee dalkan Norway Norway, maxkamada racfaanka(Darajada 2.aad) Hargeysa ee Somaliland, ayaa mar kale dil ku xukuntay nin soomaali ah oo heysta dhalashada dalkan Norway, kaas oo maxkamada hoose ee magaalada Hargeysa ay horey ugu xukuntay dil toogasho ah.


Sacad Jirde Xeyd oo ah ninka maxkamada gobolka Maroodi-jeex ay ku xukuntay dilka, ayaa lagu eedeynayaa inuu ka danbeeyay dilka nin kale oo soomaali ah, waxeyna xeer ilaalinta Somaliland ay sheegeen in dilka uu u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa( pepperspray). Maxkamada Maroodi-jeex ayaa sheegtay in xukunka dilka ah uu yahay mid qisaas ah, si waafaqsan shareecada Islaamka.

Qareenka Norwiijiga ah ee ninka soomaali-Norwiijiga ah ee hargeysa lagu xukumay, Farid Bouras ayaa wargeyska Dagbladet u sheegay in xukunka maxkamada ee kiiska ninkan, aysan ka marneyn siyaasad, maadaama qoyska dhibanaha ah ee ninka dhintay(la dilay) ay xiriiro fiican oo siyaasadeed ku dhex leeyihiin dowlada Somaliland.

Dowlada Norway ayaa horey kiiskan usoo faro-galisay, kadib markii qoyska Sacad, gaar ahaan wiilashiisa oo Norway kunool ay dowlada ka codsadeen inay aabahood kasoo furdaamiyaan Somaliland. Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen ayaa horey u sheegtay inay kiiska Sacad kala hadashay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.(Halkan ka akhri).

Xildhibaano katirsan dowlada Norway, ayaa dhanka kale wasaarada arimmaha Norway ku eedeeyay inaysan kiiska ninkan aysan waxbo ka qaban, marka la barbardhigo sida looga shaqeyn jiray kiisaska dadka cadaanka Norwiijiga dhaladka ah ee wadamada dibadda ah lagu xukumo(Halkan kasii akhri).

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen ayaa maanta sheegtay inay soo gaartay fariinta ku saabsan in Sacad mar kale dil lagu xukumay, waxeyna arrintaas ku tilmaantay mid aad looga murugooda. Iyada oo raacisay in dowlada Norway ay si hoose ula socoto kiiska ninkan, ayna adeegsan doonto wado kasta oo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo arrinta Sacad wax looga qaban karo, waxeyna sheegtay in Norway ay ilaalin doonto xuquuqda muwaadinkan u dhashay dalkeeda.

Mar dhow ayaa la toogan karaa:

Farid Bouras oo ah qareenka Sacad, ayaa sheegay in xukunka toogashada ah lagu fulin karo mardhow. Wuxuuna aad u dhaleeceeyya nidaamka cadaaladda ee Somaliland, oo ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo ku shaqeeyo eex iyo qof jecleysi.

Xigasho/kilde: Dømt til døden igjen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x