Baarlamaanka oo ku gacan-seyray in kiisaska tarxiilka ee UNE dib loo dhigo.

0
145
foto: Stortinget.no

Gudiga arrimaha gudaha ee baarlamaanka dalkan Norway, ayaan isku raacin in dib loo dhigo go´aanada la xiriira tarxiilka ee hey´adda qoxootiga UNE, ilaa intii dib u noqosho lagu sameynayo dhaqangalinta iyo fasiraada sharciga ee hey´addaas.


Go´aanka gudiga ayaa ayaa yimid, kadib markii qareeno u doodo arrimaha qoxootiga ay xubnaha gudigaas u gudbiyeen codsi ah in qiimeyn lagu sameeyo qaabka ay hey´adda UNE u dhaqangaliso xeerarka qoxootiga Norway, maadaama sida ay sheegeen go´aanada hey´addaas ay yihiin kuwo baalmarsan xeerarka caalamiga ee qoxootiga iyo xuquuqda gaarka ah ee caruurta.

Riix sawirka, si aad macluumaad dheeri ah uga hesho App-ka.

Codsiga qareenadda ayaa ka dhashay go´aankii tarxiilka ah ee hey´adda UNE ay ka gaartay kiiska Mustafa Hassan oo ah wiil 18 jir reer Urdun ah oo 13 sano kadib lagu amray inuu Norway isaga baxo. Halkan kasii akhri kiiskiisa.

Qareenada warqada ah codsiga ah diray iyo hey´adda xuquuqda qoxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR, ayaa qaba in hey´adda UNE ay si qaldan u turjunto xeerarka qoxootiga Norway, sida ay sheegtay Karin Andersen oo katirsan xisbiga SV.

Mustafa Hassan oo sababtiisa ay qareenadu warqada ugu direen baarlamaanka, ayaa lagu amray inuu ugu danbeyn wadanka isaga baxo kowda(1) bisha Luulyo ee sanadkan 2021. Waxaana dib loo dhigay taariikhda tarxiilkiisa oo markii hore aheyd january 2021, isaga oo la siiyay fursad uu ku dhameysto waxbarashada dugsiga sare. Halkan kasii akhri

Xigasho/kilde: IKKE STORTINGSFLERTALL FOR Å SETTE RETURSAKER PÅ VENT.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments