Ajaaniib badan oo ay shaqo la´aan soo foodsaartay

0
140
soo galooti

Tirokoob iyo warbixin ay soo bandhigtay wakaalada tirokoobka iyo xog uruurinta ee SSB, ayaa lagu sheegay in shaqo la´aanta dadka ajaaniibta ah ay kor u kacday sanadkii lasoo dhaafay, iyada oo gaartay 9,2%, halka sanad kahor ay aheyd 5%.


Ajaaniibta ayaa noqonayo dadka ay saameynta ugu xoogan ku yeelatay shaqo la´aanta ka dhalatay feyruska Corona, sida lagu xusay warbixinta SSB.

Riix sawirka, si aad macluumaad dheeri ah uga ogaato App-ka.

Guud ahaan tirada dadka shaqo la aanta ah ee Norway, ayaa sanadkii tagay gaartay 2,7 %, halka sanad kahor ay aheyd 1,5%.

SSB ayaa warbixinteeda ku sheegtay in feyruska Corona uu yahay cilada ugu weyn ee loo sababeynayo shaqo la aanta soo wajahday dadka ajaaniibta ah, iyo guud ahaan dadka kunool Norway.

Cabsida ugu weyn ee warbixinta SSB lagu sheegay, ayaa ah dad badan oo ajaaniib ah oo shaqooyinkoodii laga fariisiyay ama laga ceyriyay feyruska Corona awgiis, ay dib ugu soo noqon waayaan suuqa shaqada, marka dib loo furo suuqyada shaqooyinka. Iyada oo la filayo inuu xoogeysan doono tartan suuqa shaqada ee loo galo boosaska shaqo ee banaan. Sidaas darteed ay kororka shaqo la aanta ajaaniibta noqoto mid abidi ah.

Xigasho/kilde: Litt over 9 prosent ledige blant innvandrere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments