Booliska oo awood loo siiyay inay ajaaniibta arrintan diida ay xuduudka ka celin karaan

0
86
Wasiirka Cadaalada Norway: Monica Mæland. Foto: Torbjørn Tandberg

Booliska dalkan Norway, ayaa maanta oo jimce ah awood loo siiyay inay xuduudka Norway ka celin karaan dadka ajaaniibta ah, hadii ay diidaan inay iska qaadaan baaritaanka Corona ama ay iska diiwaangalin waayaan liiska dowlada ee dadka dibadda kasoo gala Norway, kahor inta aysan xuduudaha Norway soo gaarin.

Wasiiradda cadaalada Monica Mæland oo wargeyska VG la hadashay, ayaa sheegtay in ujeedka dowlada ee arrintan uu yahay in laga hortago dadka sida qiyaanada ah kusoo gala Norway, iyaga oo wata baaritaan Corona oo faaliso ah.

Riix sawirka, si aad u ogaato macluumaad dheeri ah oo App-ka ku saabsan.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili horey loo sheegay inay jiraan dad badan oo ajaaniib ah kuwaas oo suuqyada furan kasoo iibsado baaritaanka Corona oo faaliso ah, si loogu ogolaado inay Norway soo galaan. Waxeyna dowladu soo rogtay in qofkii laga shakiyo baaritaan cusub looga qaado xuduudka, iyada oo hada booliska awood loo siiyay in qofkii baaritaankaas diido loo diido inuu soo galo gudaha Norway.

Go´aanka dowlada ayaa waxaa dhanka kale lagu xusay in tixgalin gaar ah la siinayo ajaaniibta degan Norway ama dadka qoxootiga ah ee Norway kunool, hadii ay jirto sabab aad loo qaateen ah(macquul ah) oo diideyso in loo diido soo galitaanka Norway.

Xigasho/kilde: Strammer inn på grensen: Får bortvise utlendinger.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments