Norway: Mustaf oo la siiyay fursad uu waxbarashadiisa ku dhameysto

0
102
Mustafa Hassan Foto: Mustafamusic.no

Hey´adda qoxootiga iyo soo galootiga u qaabilsan dowlada Norway, ayaa mar kale dib u dhigtay xiligii ay amartay inuu dalka isaga baxo Mustafa Xasan oo ah 18-jirkii reer Urdun ee loo tarxiilayay danbiga ay hooyadiis sameysay. Waxeyna noqoneysaa markii sadexaad oo dib loo dhigo xiliga 18-jirkan loo qabtay inuu wadanka isaga baxo.

Qareenka Mustafe ayaa NRK u sheegay in xiliga dal ka saarka Mustafe dib loo dhigay ilaa kowda(1) bisha Luulyo(July), wuxuuna hada Mustafe fursad u heli doonaa inuu dhameysto waxbarashada dugsiga sarre oo uu hada fasalka ugu danbeeyo ka dhigto.

Kasoo degso Mobilkaaga.

Mustaf ayaa dalkan soo galay, isaga oo 6 sano jir ah, waxaa Norway degenaa ku dhawaad 13-kii sano ee ugu danbeeyay. Halkan kasii akhri sheekadiisa.

Qareenada u doodayo Mustafa ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan fursadan cusub ee Mustafa la siiyay, balse waxey sheegeen inay maxkamada Oslo horgeyn doonaan codsi ah in la joojiyo tarxiilka Mustafa, lana siiyo fursad cusub oo uu Norway ku joogi karo, iyada oo la fiirinayo xuquuqdiisa caruurnimo iyo mudadii uu wadanka ku noolaa.

Xigasho/kilde: Utreisefristen til Mustafa Hasan utsatt til 1. juli.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments