Abdullahi Elmi: Qoyskii guriga laga saaray ee Oslo, waa natiijada siyaasad xumada dowlada ee guryaha.

0
791

Warbaahinta Norway iyo baraha bulshada, labadii isbuuc ee ugu danbeeyay waxaa aad loogu hadalhayay sheekada qoys soomaali ah oo degmada Bydel Gamle Oslo ee magaalada Oslo ay ka saartay gurigii ay degenaayeen 10-kii sano ee ugu danbeeyay. Go´aanka ka saaritaanka ayaa lagu sababeeyay in aabaha qoyska uu shaqeeyay dakhli(inntekt) 15.000 kr ka badan kan ay dowladu ogoshahay in qofka degan guryaha dowlada uu shaqeyn karo. Halkan kasii akhri sheekada qoyska.

Cabdullahi Cilmi oo ah siyaasi katirsan golaha deegaanka Bergen, ayaa maqaal uu kusoo qoray wargeyska Utrop ku sheegay in ka saaritaanka qoyskaas guriga laga saaray ay tahay natiijada siyaasad xumada dowlada ee guryaha dadweynaha. Cabdulaahi oo Ap katirsan ayaa maqaalkiisa ku sheegay in:

Dhacdadan qoyska soomaaliga guriga looga, waxay kicisay dareenka bulshada Norway, iyadoo aad looga falceliyay qaabka ay u dhacday iyo xiliga ay ku soo aaday. Dhacdadaan ayaa ku soo aaday iyadoo xilligii qaboobaha lagu jiro isla markaasna cudurkii caabuqa karoonaha aw cirka marayo.

Waxaa wax aad looga xumaado noqotay in reerkii argagax lagu riday kadib markii saraakiil ka socda dowlada hoose iyo boolis hubeysay u yimidaan reerkii, xoogna ku muuquniyeen. Ma ahan markii ugu horeysay ee reero guryaha laga xirto ama xoog looga saaro oo horay ayay marar badan u dhacday. Waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay in wax laga bedelo siyaasada guryeynta ee wadanka si loo yareeyo farqiga u dhexeeya bulshada.

Farqiga dadka u dhexeeya wuu sii badanayaa haddii aan hadda siyaasadda wax laga bedelina,waxaa sii xumaanaya fursadaha dadku ku heli karaan gurya ay iyagu leeyihiin. Culeysyadaan waxay si gaar ah u taabanayaan dadka ajaanibta ah

Halkan kasii akhri maqaalka Cabdulaahi ee Utrop: AP-politiker: Vi trenger en bedre sosial boligpolitikk.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments