Akhri: Talaabooyinkan ayaa shaley Oslo lagu soo rogay

0
200
Gudoomiyaha Oslo: Reymond Johansen. Foto: Skjermdump/nrk

Gudoomiyaha gudiga maamulka dowlada hoose ee magaalada Oslo, Reymond Johansen ayaa shaley fiidkii soo bandhigay talaabooyin cusub oo degmadu soo rogtay, si looga hortago faafitaanka feyruska coronavirus. Arintan ayaa timid kadib markii maalmihii ugu danbeeyay ay sarre u kacday tirada dadka qaaday feyruska Corona ee magaalada kunool.

Reymond ayaa sheegay in degmadu ay ku qasbantahay inay mar kale bandow cusub kusoo rogto magaalada, si loo yareeyo faafitaanka feyruska Corona, gaar ahaan midka ka yimid dalka UK(Nooca cusub), kaas oo faro kulul ku haya magaalada Oslo. Talaabooyinka shaley lasoo bandhigay, ayaa kusii darsamaya talaabooyinkii horey ay degmadu u dhaqangalisay.

50-70 % nooca feyruska ee laga helo dadka Oslo kunool, ayaa ah nooca cusub ee dalka Ingiriiska kasoo bilowday, si uu sheegay gudoomiyaha maamulka Oslo, reymond Johansen.

Talaabooyinka Oslo shaley laga dhaqan-galiyay waxaa kamid ah:

-Waxaa la xiray maqaaxiyaha iyo goobaha kaffe-yada, marka laga reebo adeega qaadashada ah(Take-away).

  • Waxaa la xiray dhamaan dukaamada, marka laga reebo kuwa cuntada daruuriga ah.
  • Waxaa la mamnuucay inay banaanka lagu qabsado wax xaflado ama kulamo ah.
  • Waxaa la xiray goobaha masxafyada iyo farshaxanka ee dalxiis ahaanta loo booqdo .
  • Waxaa lasoo rogay in degmadu ay baaritaano(test) joogto ah ka qaado ardeyda dhigata fasalka 8-aad iyo wixii ka sareeyo. Sidoo kale macalimiinta iskuulada ayaa si joogto ah loo baari doonaan(test).
  • Waxaa heegan(khadka jaalaha ah) la galiyay iskuulada caruurta iyo kuwa dhexe.
  • Iskuulada sarre ayaa laga bilaabo talaadada xirnaan doono, waxaana ardeyda ay waxbarashada ku qaadan doonaan qaab fogaan arag ah(Marka laga reebo qaar kamid ah ardeyda).
  • Degmada ayaa ka digeyso in booqasho la isugu tago guryaha.

Oslo ayaa hada kujirto mawjad adag oo feyruska Corona, waxaa aad looga cabsi qabaa in mar sadexaad uu rogaal-celin xoogan sameeyo feyruska Corona, gaar ahaan noocyadiisa cusub. Dhanka kale waxaa xawli ku socdo talaalka dadka magaalada Oslo iyo guud ahaan Norway kunool.

Xigasho/kilde: Dette er de nye, strenge tiltakene i Oslo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments