Skien-Frp: Soomaalida ka shaqeyso caafimaadka, Corona halaga baaro.

0
172
Jørn Inge Næss Foto: Youtube

Maamulka hey´adda caafimaadka degmada Stavanger ayaa isbuucii hore sheegay in shaqaalaha asal ahaan soomaalida ah ee ka shaqeeyo caafimaadka, ay keenaan cadeyn muujineyso natiijada baaritaanka xanuunka Corona oo negativ ah. Halkan kasii akhri.

Arrintan ayaa abuurtay carro xoogan, waxaana falcelin ka muujiyay hey´addaha ajaaniibta iyo jaaliyada soomaalida ah ee degan magaaladaas. Kuwaas oo sheegay inay tahay faquuq ka dhan ah oo lagu beegsanayo soomaalida.

Riix sawirka

Frp-Skien: Soomaalida halaga baaro xanuunka Corona.

Jørn Inge Næss oo ah siyaasi katirsan xisbiga Frp, laantiisa magaalada Skien ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta lokalka ah ee magaaladaas, ku sheegay inuu rabo in sida Stavanger oo kale soomaalida ka shaqeyso laamaha caafimaadka Skien laga baaro xanuunka Corona. Arintan ayuu ku micneeyay in looga hortagayo faafitaanka xanuunka Corona.

Ninkan oo horey ugu tartamay inuu noqdo duqa magaalada Skien ayaa sheegay inay muhiim tahay in lasii wado wadashaqeynta iyo xiriirka ka dhaxeeyo dowlada iyo qowmiyadaha ajaaniibta, balse dhanka kalena loo baahanyahay in la qaado talaabooyin dheeraad ah oo looga hortagayo faafitaanka xanuunka.

Soomaalida kunool magaalada Skien ayaa horey marar badan uga soo muuqday warbaahinta, waxeyna sheegeen in xanuunku uusan gaar ku aheyn bulshada soomaalida. Balse uu yahay mid dadka dhan wada saameeyay.

Magaalooyinka Stavanger iyo Skien ayaa kamid ah meelaha uu aadka u saameeyay xanuunka Corona. Waxaana labada magaalaba kunool jaaliyad soomaaliyeed oo xoogan.

Xigasho/kilde: Næss mener man må vurdere test av norsk-somalisk helsepersonell.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments