Stavanger: Soomaalidu shaqo ma imaan karaan, ilaa ay keenaan Negetiv-test Corona ah.

0
74

Shaqaalaha asal ahaan soomaalida ah ee ka shaqeeyo xarumaha dowlada ee Kommunaha(Degmada) Stavanger, ayaa lagu amray inay keenaan baaritaan negativ ah oo xanuunka Corona ah, kahor inta aysan imaan goobaha shaqada.

Arrrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii ugu danbeeyay in dad aad u badan oo soomaali laga helay xanuunka Corona magaalada Stavanger. 220 qof oo badankooda soomaali ah, ayay warbaahinta lokalka ah qoreysaa in maalmihii ugu danbeeyay laga helay xanuunka Corona.

 Eli Karin Fosse oo ah agaasimaha ayaa NRK u xaqiijisay in shaqaalaha soomaalida ah ee degmada u shaqeeyo lagu amray inay keenaan natiijada baaritaanka corona oo negativ ah, taas oo muujineyso inaysan xanuunka qabin. Kahor inta aysan imaan goobaha shaqada. Waxeyna arintaas ku sababeysay tirada badan ee dadka soomaalida ah ee Stavanger kunool xanuunka laga helay maalmihii ugu danbeeyay.

Riix sawirka

Eli ayaa sheegtay in ujeedka arritan ay tahay kahortaga faafitaanka xanuunka ee xarumaha dowlada, gaar ahaan meelaha lagu daryeelo dadka waaweyn. Waxeyna raacisay in soomaalidu aysan ugu horeyn in dad gooni ah oo bulshada katirsan laga dalbado baaritaanka corona, ayna degmadu horey u qaaday talaabooyin noocan oo kale ah iyada oo la duulayo kahortaga faafitaanka xanuunka. Waxeyna sheegtay in horey baaritaan noocan oo kale ah looga dalbaday ardeyda Oslo ka timaado, shaqaalaha Swedishka ah iyo dadka safaradda kasoo noqday.

Haweeneydan agaasimaha ka ah ayaa sheegtay in degmadu ay dadka soomaalida ah ka rabto baaritaanka Corona, xitaa hadii dad ka agdhow laga helay xanuunka. Iyada oo raacisay in ilaa hada aysan jirin wax dhibaato ah oo arrintaas kasoo noqday.

Abdirahman: Waa faquuq soomaalida lagu takoorayo.

Cabdiraxmaan Macalin Cumar oo ah gudoomiyaha ururka Minoritets ungdom ayaa NRK u sheegay inay lasoo xiriireen dad badan oo soomaali ah arrintaas wax ka weydiinayo, kana walaacsan, Wuxuuna sheegay in arrintan loo arki karo faquuq iyo takoor soomaalida lagu sameynayo, iyada oo soomaalida ay horey ula dhibtoonayeen faquuqyadii hore.

Xigasho/kilde: Somaliere føler seg stigmatisert av kommunen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments