EU: Waxaa baasaboor loo sameyn doonaa dadka Corona laga talaalay.

0
166
Waraaq muujineyso qof talaalka Corona qaatay. Foto: Aaron Chown/PA Wire/Pool via REUTERS

Sida ay sheegeen gudiga caafimaadka midowga Yurub, wadamada xubnaha ka ah EU-da oo kaashanaya hey´adda caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa xiligan ja shaqeynaya soo saarista waraaq cadeyn u noqon doonto dadka laga talaalay xanuunka Corona.

Waraaqdan oo loo sameyn doono qaab baasaboor ahaan a, ayaa qofka anfici karta tusaale ahaan xiliyada uu kujiro safarada dibadda ah.

https://zanzu.no/no/Riix sawirka

EU-da ayaa ayaa sheegtay in arrintan ayaa furi karta in in qofka talaalka qaatay, laga deyn doono shuruudaha baaritaanka xanuunka ee marka uu dalka kale soo galayo iyo karantiilka qofka la galiyo marka uu kasoo noqdo safaradda dibadda ah.

FHI: Wali go´aankaas ma aanan gaarin.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha u qaabilsan dowlada Norway, ayaa dhankeeda sheegtay in go´aan noocaas ah, aysan wali gaarin dowlada Norway. Ilaa hada qofka laga talaalay xanuunka uu mari doono shuruudo lamid ah kuwa dadka aan wali talaalka qaadanin.

Dowlada Norway ayaa horey u sheegtay in hadafka dowladu uu yahay in dhamaan dadka qaan-gaarka ah ee Norway kunool, ay talaalka qaataan inta aan la gaarin xagaaga sanadka 2021. Halkan ka akhri dadka ay dowladu u hormarineyso talaalka Corona.

Qofka degan Norway ee talaalka qaatay, ayaa dhanka kale awood u leh inuu digital ahaan usoo degsado, dokumenti cadeynayo in uu qaatay irbada talaalka.

Denmark ayaa dhankeeda sheegtay in dowladu ay diyaarineyso baasaboor loo sameynayo dadka laga talaalay xanuunka COVID-19.

Xigasho/kilde: Jobber med felles vaksinesertifikat.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments