UDI: 1.387 qoxooti ah ayaa 2020 Norway magangalyo weydiistay.

0
248

Sida lagu sheegay tirokoob maanta kasoo baxay hey´adda agaasinka qoxootiga ee UDI-da, waxaa sanadkii tagay dalkan Norway qoxootinimo isaga soo dhiibay 1387 qof. Waana tiradii ugu yareyd ee 20-kii sano ee lasoo dhaafay Norway magangalto soo weydiisto.

Dalalka Siiriya(536 qof), Ereteriya(163 qof) iyo Turkiya(83 qof) ayaa ah dalalka ugu badan oo ay kasoo jeedaan dadkii sanadkii hore qoxootinimoada soo weydiistay.

Tirakoobka UDI-da ayaa dhanka kale lagu sheegay in 79% ay sharci magangalyo heleen dadka qoxootinimada sanadkii hore isaga soo dhiib ay.

Riix sawirka

23 qof oo soomaali ah:

Liiska UDI-da waxaa ku xusan in dadka sanadkii hore Norway magangalyada soo weydiistay, ay kujiraan 23 qof oo soomaali ah. Kuwaas oo 8 kamid ah ay dumar yihiin, halka 15-na ay yihiin ragg.

Soomaalida oo 4 sano kahor ahaa dadka ugu badan ee Norway magangalyada soo weydiista, ayaa hada aad usoo yaraaday.

Halkan ka akhri warbixinta iyo tirokoobka UDI-da.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments