Wuxuu shaqadiisa ku waayay xaaskiisa oo shiinees ah darteed!.

0
224
Jon Nicolaisen: Ku xig. Gudoomiyaha Bankiga ee shaqada laga ceyriyay.

Jon Nicolaisen oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii bankiga dhexe ee dowlada Norway, ayaa maalin kahor laga ceyriyay shaqadii bankiga dhexe, kadib markii loo diiday in loo cusbooneysiiyo ogolaanshaha Security clearance, oo ah ogolaanshaha la siiyo qofka lala qeybsanayo arrimaha sirta qaranka ee muhiimka ah.

In ninkan loo diido inuu helo Security clearance ayaa waxaa lagu sababeeyay inuu qabo xaas u dhalatay dalka Shiine, taas oo kunool dalkaas, halkaasna uu ku biilo. Sidoo kale uu ku noolaa, kana shaqeyn jiray dalka Shiinaha.

Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Norway, Øystein Olsen ayaa Jon Nicolaisen ka ceyriyay shaqada isla maalinta ay soo baxday in loo diiday inuu helo Security Clearance.

Xigasho/kilde: Jon Nicolaisen slutter som visesentralbanksjef – fikk ikke fornyet sikkerhetsklarering.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments