Dowada: Waan u baahanahay ajaaniibta aqoonta caafimaad leh ee sharciga xadidan heysto.

0
102
Wasiiradda cadaalada Norway: Monica. Foto: regjeringen.no

Wasaaradda cadaalada dalkan Norway ayaa sheegtay inay ogolaaneyso in dadka ajaaniibta ah ee Norway kunool, leh aqoonta caafimaad ay ka shaqeyn karaan Norway, xiligan lagu jiro xaalada xanuunka Covid-19. Waxeyna wasaaraddu sheegtay in xanuunka Covid-19 uu sababay inay badato baahida loo qabo shaqaale leh aqoon caafimaad.

Wasaaradda ayaa sidaas darteed ajaaniibta leh aqoonta caafimaad ee kunool Norway, kuwaas oo sababo kala duwan dartood horey loogu diiday inay aqoontooda kaga shaqeeyaan Norway, ka codsatay inay xiriir lasoo sameeyaan hey´addaha caafimaadka. Si loo sameeyo keyd dadka aqoonta caafimaad leh, hadii ay xaaladu sidaan kasii darto.

Wasiiradda cadaalada Monica Hæland ayaa si gaar ah u sheegtay ardeyda ajaaniibta ee Norway ka barta caafimaadka, balse uusan sharciga ardeynimadu u ogoleen inay Norway gudaheeda ka shaqeeyaan mudada waxbarashada ama ajaaniibta leh ee Norway kunool, lehna aqoonta caafimaad, balse sababo kala duwan dartood loo xanibay inay fursadooda shaqo ee Norway.

Xigasho/kilde: Justisministeren vil la fleire bidra under pandemien.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments