Bergen: Masaajid ay soomaali maamusho oo bilad sharaf la siiyay.

0
185
Bisharo Mohammed Osman oo magaca masaajidka bilada ku gudoontay. Foto: Asle Bentzen

Dowlada hoose ee magaalada Bergen ayaa bilada Frivilligprisen gudoonsiisay masaajidka ugu weyn ee kulmiya muslimiinta magaalada Bergen( Bergen moské). Waxaana lagu sababeeyay inay biladaas ku muteysteen shaqadii ay ka qabteen wacyigalinta kahortaga faafitaanka xnauunka Coronavirus, iyo kor u qaadista aqoonta koritaanka ilmaha ee waalidiinta ajaaniibta ah.

Bisharo Mohammed Osman oo kamid ah masaajidka ayaa iyada oo mataleyso masaajidka Bergen dowlada hoose ee degmada Bergen ka gudoonay biladsharafta. Bilada Frivilligprisen oo ah mid sanad walba la bixiyo, ayaa waxaa bilad sharafta ka sokow la socoto lacag gaareyso 50.000 kr oo la siiyo ururka ku guuleysta bilada.

Maamulka dowlada Hoose ee Bergen ayaa sheegay in masaajidku uu degmada si aad ah ugala shaqeeyay la xiriirka bulshooyinka ajaaniibta ah, uuna door weyn ka qaatay isku xirka degmada iyo bulshada soo galootiga ah.

Waxaa xusid mudan in soomaalida ay kamid tahay dadka ugu firfircoon ee ka muuqdo maamulka masaajidka iyo howlaha kale ee masaajidku uu qabto.

Halkan kasii akhri: Frivilligprisen til Bergen moské.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments