War cusub: Xiliga sugitaanka sharciga degenaanshaha oo 5 sano la dhigay.

0
123
Foto: Regjeringen.no

Xisbiyada sadexda ah ee dowlada(Høyre, Krf iyo Venstre) oo garab ka helayo xisbiga Frp ayaa meelmariyay xeer cusub oo xiliga sugitaanka sharciga degenaansha Norway ka dhigayo 5 sano, halka uu hada ka yahay 3 sano.

Marka laga tago mudada 2-da sano ee lagu kordhiyay sugitaanka sharciga degenaanshaha, waxaa iyadana la meelmariyay in mudada uu qofku sugayo degenaanshaha, hadii uu isbadal ka dhaco dalkii uu qofka ka yimid, laga celin karo magangalyada, laguna celin karo dalkii uu ka yimid.

Frp ayaa ku faanay inay xisbiyada dowlada ku riixeen inay sharcigan meelmariyaan, iyaga oo shuruud uga dhigayo ansixinta miisaaniyada sanadkan 2021.

Muhiim: Kahor 1. februar 2021.

Sharciga ay xisbiyadu ansixiyeen ayuu dhaqangalkiisu ka bilaabanayaa 1-da bisha Desember, wuxuuna qabanayaa dhamaan dadka soo codsado degenaansho wixii ka danbeeyo 1-da bisha Desember ee sanadkan 2020.

Laakiin sharcigan ayaan qaban doonin dadka buuxiyay shuruuda mudada degenaansha ee sadexda sano kahor 1-da bisha Desember ee sanadkan, hadii ay codsiga degenaanshaha soo gudbiyaan wixii ka horeeya 1-da bisha February ee sanadka 2021(ugu danbeyn).

Dowlada: Shaqo, Introduksjon kuguma filna.

Frp ayaa sidoo kale ku guuleystay inay xisbiyada dowlada ka meelmarsadaan qodob kale oo muhiim ah, kaas oo ku saabsan shuruuda dhaqaalaha ee qofka qoyskiisa u dacwoonaya.

Qofkii dhigta barnaamijka introduksjon-ka ayaa horey loogu ogolaa inuu qoyskiisa ugu dacwoodo Norway, isaga oo aan laheyn shaqaale kasoo galo shaqo.

Xisbiyada dowlada ayaa hada meelmariyay in lacagta uu qofku ka qaato introduksjon-ka aysan ku filneyn, ayna waajib ku tahay inuu shaqeeyo, si uu qoyskiisa ugu dacwoon karo Norway.

Xigasho/kilde:-Halkan kasii akhri: Nå strammes botidskravet inn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments