Dowlada: Qof walba oo Norway soo galayo, waa inuu is diiwaangaliyaa.

0
81
Ilaalada xuduuda Norway Foto: Facebook/Tolletaten.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska dowlada, dowlada dalkan Norway ayaa dhawaan soo roggi doonto nidaam digital ah oo cusub oo qof walba oo raba inuu Norway soo galo(Norwiiji iyo ajnabi) lagu qasbi doono inuu isku diiwaangaliyo, kahor inta uusan dalka soo galin, si loogu ogolaado inuu dalka usoo gali karo.

Nidaamkan cusub ayay dowladu sheegtay inuu hey´addaha caafimaadka, laamaha booliska iyo degmooyinka uu u sahli doono la socoshada dadka karantiilka la galiyay safarka kaddib, sidoo kalena kahortaga in qof wadanka dibadiisa ka yimid uu xanuunka faafiyo. Isla markaana uu laamaha booliska u sahli doono inay ganaaxaan qofkii la ogaado inuu jabiyay ama kasoo baxay karantiilkii la galiyay.

Waxeyna dowladu sheegtay in nidaamkan cusub ee isdiiwaangalinta digitalka ah uu wax badan fududeyn doono kahortaga faafitaanka xanuunka ee dadka wadanka dibadiisa ka yimid.

Magac, xiriir iyo goobta shaqada:

Nidaamkan cusub ee isdiiwaangalinta ah ayuu qofku raba inuu Norway soo gala, wuxuu ku qori doonaa magaciisa, meesha lagala soo xiriir karo, goobta uu karantiilka ku gali doono iyo goobtiisa shaqo(Hadii loo baahdo).

Marka uu is diiwaangaliyo kadib, ayuu heli doonaa fariin iyo number sir ah(Kode), kaas oo uu tusin doono ilaalada xuduudaha Norway ama booliska marka uu soo gaaro xuduuda Norway(Garoomadda diyaaradaha iyo meelaha kale ee dalka laga soo galo).

Xigasho/kilde: Innføring av et digitalt system for reiseregistrering.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments