fredag, april 19, 2024

Shirkad Qareen: Kiiska Mustafa ayaan UNE maxkamad ku saareynaa.

Shirkada qareenada ee Fend ayaa sheegtay in hey´adda qoxootiga ee UNE ay dacwad kusoo oogi doonto, iyaga oo ku eedeyn doono inay jabiyeen sharciga, marka ay ka shaqeynayeen kiiska Mustafa Hassan oo ah 18-sano jir reer Urdun ah oo Norway rabto inay dalkeeda ka tarxiisho.

18-jirkan oo sheekadiisu ay noqotay mid ay aad u hadal hayaan warbaahinta dalka, aadna looga doodo baraha bulshada, ayaa Norway la keenay isaga 6 sano jir ah. Wuxuuna la socday hooyadii oo Norway laga celiyay, kadib markii lagu eedeeyay inay ka been sheegtay asalkeeda, ayna bixisay macluumaad aan run aheyn. Hooyada wiilka oo reer Urdun ah ayaa sheegatay inay tahay Falastiiniyad.

Xuquuqda caruurnimo ee Mustafa:

Shirkada qareenada ee Fend ayaa sheegtay inay maxkamada Oslo ka codsan doonto in dib loo dhigo go´aanka tarxiilka ee Mustafa, inta ay socoto dacwada ay kusoo oogeen UNE. Si uu Mustafa jaanis ugu helo inuu kiiskiisa geeyo maxkamada Oslo, isaga oo dalka joogo oo aan la tarxiilin.

Riix sawirka

Hey´addaha qoxootiga ayaa Mustafa oo 13-kii sano ee ugu danbeeyay degenaa Norway ku amray inuu ugu danbeyn dalka isaga baxo 28-ka bisha January.

Nicolai V. Skjerdal oo ah qareen katirsan shirkada Fend ayaa sheegay in hey´adda UNE aysan Mustafa u qiimeyn xuquuqdiisa caruurnimo iyo iyo xeerarka bini-aadantinimada ee Norway ay wax ka saxiixday. Wuxuuna sheegay inay rabaan inay UNE horgeeyaan maxkamada Oslo, si loo muujiyo qaladaadka sharciyeed oo ay gashay, marka ay ka shaqeynayeen kiiska Mustafa.

Arrinta adkeyneyso dacwada qareenkan ayaa ah in Mustafa walaalkii ka weyn ay isku mar wadanka soo galeen la siiyay sharci qoxootinimo, halka Mustafa oo hal maalin ay wadanka soo galeena lagu amray inuu dalka isaga baxo.

Xigasho/*kilde: Mustafa Hasan saksøker staten: – Jeg håper på rettferdighet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x