Solberg: Xiligan ayuu Talaalka Corona soo gaari karaa Norway.

0
91
Foto: JOHN MANIACI / X80001

Talaalka ugu horeeya ee irbada Corona, ayaa lagu wadaa inuu Norway soo gaaro 27-ka bishan Desember, sida ay maanta sheegtay reysulwasaare Erna Solberg. Waase hadii la ansixiyo talaalka oo hada kujiro tijaabadii ugu danbeysay, kahor inta aan suuqa lasoo galin.

27-ka bisha Desember ayaa ah maalinta la qoondeeyay in wadamada EU-da ay bilaabaan talaalka Corona. Balse waxaa ka horeeyo in marka hore lagu guuleysto tijaabada ugu danbeysa ee talaalka Corona.

Riix sawirka

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa maanta sheegtay in Norway ay sidoo kale qorsheysay in isla xiligaas gudaha Norway laga bilaabi doono talaalka Corona. Iyada oo sheegtay in dowladu ay degmooyinka dalka oo dhan ay ka codsatay inay diyaariso qorshaha fulinta howsha talaalka.

5000 qof talaalkood:

Norway ayaa irbada talaalka ku heshay magaca dowlada Sweden oo magaceeda Norway EU-da uga dalabtay daawada. Waxeyna Norway marka ugu horeyso heli doontaa talaal gaaraya 9750 xabo, kaas oo ah daawo lagu talaali karo 5000 qof.

Wixii ka danbeeyo isbuuca koowaad ee Januar, Norway ayaa heli doonto 30.000 ilaa 40.000 isbuuc walba.

Dowlada ayaa horey u qorsheysay in sadexdan guruub ee bulshada katirsan ay ugu hor heli doonaan talaalka: Halkan kasii akhri dadka loogu horsiin doono talaalka.

Xigasho/kilde: Den første vaksine-leveransen til Norge er på 9750 doser.

wp_ad_camp_1]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments