Qareen lagu dacweynayo inuu hooyo kula taliyay inay Barnevern ka baxsato

0
142
Foto: NN-IL

Maxkamada Sør-Trøndelag ee magaalada Trondheim waxaa maanta ka bilaabineyso dacwad qareen lagu eedeeyay inuu hooyo kula taliyay inay ka baxsato barnevernka, ayna ka dhuumato go´aan looga qaadi lahaa xanaanada caruur ay dhashay.

Haweeneydan ayaa mudadii u dhaxeysay 2016 ilaa 2018 oo aheyd xiliga ay dacwadu ku socotay ku sugneyd dalka Maleysiya, iyada oo ka tagtay Norway. Waxaana lagu eedeeyay inay afduubatay caruurtii ay iyadu dhashay, sidoo kalena ay ka dhuumatay go´aan kasoo baxay hey´add dawli ah.

Laakiin markii ay kusoo noqotay dalka, waxaa la laalay kiiskii dacwada ahaa ee haweeneyda lagu eedeeyay, waxeyna boolisku xireen dacwadii ku socotay haweeneydaas.

Intaas kadib booliska ayaa qareenka matalayay haweeneyda dacwada laga daayay ku eedeeyay inuu labo mar oo kala duwan haweeneydaas kula taliyay inay dalka ka baxsato, ayna ka dhuumato go´aanka barnevern-ka. Waxaana lagu eedeynayaa inuu maskax ahaan saameeyay haweeneydan, sidaas darteedna ay uga baxday dalka, iyada oo taladiisa raaceyso.

Qareenka la dacweeyay ayaa iska fogeeyay danbiga lagu soo oogay. Xeer ilaalinta ayaa qareenka usoo bandhigtay inuu qirto danbiga, maadaama ay ku hayaan cadeymo muujiniayo inuu danbiga galay. Taas badalkeed ay xeer ilaalinta laasho ama joojiso dacwad ciqaabeedka ka dhanka ah isaga.

Qareenka ayaa diiday soo jeedinta booliska, wuxuuna doortay inuu si toos ah maxkamad uga hor imaado xeer ilaalinta, maadaama uu sheegay in danbiga lagu eedeeyay uu yahay mid aan sax aheyn.

Maxkamada ayaa dhageysan doonto dacwada ka dhaxeyso qareenka iyo xeer ilaalinta, sadexda maalmood ee soo socoto.

Xigasho/kilde: Advokat tiltalt for å ha rådet mor til å rømme landet for å slippe unna barnevernet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments