Instram uu sameeyay wiilkan soomaaliga oo Norway dab, dood iyo isbadal ka dhalisay.

0
133
Jamaal Sheikh Foto: NRK

Hadii aad la socoto warbaahinta Norway ama baraha bulshada, waxay u badantahay in isbuucyadii lasoo dhaafay aad maqashay magaca «Rasisme I Norge « oo ah konto ama profil instgramka ah oo uu sameeyay Jamaal Sheikh oo soomaali.

Instgramka oo lagu soo bandhigo dhacdooyinka cunsurinimada ama faquuqa ah oo ay la kulmaan shaqsiyaadka ajaaniibta ah, ayaa sabab u aheyd isbadalo iyo dhacdooyin waaweyn oo isbuucyadii tagay ka dhacay Norway. Waxeyna dhanka kale abuurtay doodo badan oo ka dhacay warbaahinta caadiga ah iyo baraha bulshada.

Kontodan ayaa aheyd meeshii koowaad ee lagu soo bandhigay dhacdadii Iido Adan gabadhii soomaalida aheyd ee shaqada lagu faquuqay soomaalinimada darteed. Halkan kasii ka daawo.

Kontadan ayaa sidoo kale sabab u aheyd in suuqa laga saaro filim madadaalo ah oo ka bixi lahaa TV-ga Discovery Norge. Kadib markii mid kamid ah jilayaasha filimka oo cadaan ah uu wajiga marsaday rinji madow, isaga oo qof madow iska dhigayo. Arrintan ayaa loo arkay mid lagu faquuqayo dadka madowga ah. Halkan kasii akhri

Dhanka kale waxaa iyadana socoto doodo badan oo ka dhalatay arrimaha lagu soo bandhigo kontadan, haba ugu darnaatee dhacdo ka dhacday Tareenka dhexmara Drammen iyo Porsgrunn. Kadib Rasisme Norge lagu soo bandhigay muuqaal lagu eedeynayo nin ka shaqeeyo tareenka oo gabdho ajnabi ah u gacan-qaadayo, balse baaritaan kadib ayaa hadana waxaa soo baxday in gabdhuhu ay iyagu dhib badan ka geysteen tareenka dhexdiisu, ninkuna uusan gacanqaad u qaadin sida arrinta loo muujiyay.

Jamaal oo ah qofka Kontadan ka danbeeyo ayaa maanta VG kusoo qoray maqaal uu kaga hadlayo arrimaha ka dhashay instgramka uu sameeyay, iyo ujeedooyinkiisa. Halkan akhri

Arrintan ayaa mar kale muujineyso awooda baraha bulshada, hadii loo adeegsado wado sax ah oo ujeedo iyo hadaf ah. Iyo inay dhici karaan qaladaad, hadii aan laga fiirsan waxyaabaha bulshada loo soo bandhigayo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments