onsdag, april 24, 2024

Norway oo Soomaaliya ka cafisay 67% deyntii ay ku laheyd.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed shaley kasoo baxay dowlada Norway, Norway ayaa Soomaaliya ka cafisay 67% deyntii ay ku laheyd. Taas oo isku dar dhaneyd 16,2 million oo kr. Waxaana ay Norway wali Soomaaliya kusii lahaan doontaa lacag gaareyso 5,35 million kr, taas oo iyadana laga cafin doono marka ay si toos ah u buuxiso shuruudaha barnaamijka deyn cafinta.

Arrintan ayaa daba socoto heshiiskii ay Soomaaliya horey ula gashay Naadiga Paris-club, kaas oo dhigayay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudii koowaad ee barnaamijka deyn qafiifinta. Waxeyna Norway kamid tahay wadamada saxiixay in Soomaaliya laga cafiyo deynta.

RIIX SAWIRKA.

Go´aan ay Norway deynta uga cafisay ayaa kamid ah taageerayaal badan oo ay Norway u fidisay Soomaaliya, si ay u sameyso soo kabasho dhaqaale iyo xasilooni amni iyo siyaasadeed.

Xigasho/kilde: Norge ettergir statsgjeld til Somalia.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x