Baaritaan Corona oo been ah ayuu keenay: 30 maalmood oo xabsi ah.

0
135
Foto: NN-DDSI

Maxkamada magaalada Oslo ayaa nin u dhashay dalka Romania ku xukuntay 30 maalmood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu booliska Norway u keenay natiijada Coronavirus oo faaliso ah, xili uu dalka soo galayay.

Ninkan ayaa isaga oo dalka dibadiisa kasoo galay, waxey boolisku weydiiyeen inuu iska soo baaray Corona 72-dii saac ee ugu danbeysay. Wuxuuna ugu jawaabay haa, isaga oo tusiyay natiijada baaritaan Coronavirus ah.

Booliska ayaa sheegay inay ka shakiyeen natiijada baaritaanka uu ninkan watay, waxeyna baaritaan kadib ku oogeen dacwad la xiriirta inuu been u sheegay booliska, iyaga oo saaray maxkamad. Ninkan ayaa maxkamada ka qirtay inuu been u sheegay booliska, uuna watay baaritaan corona oo faaliso ah.

Maxkamada Oslo ayaa ninkan ku xukuntay 30 maalmood oo xabsi ah. Xeer ilaalinta ayaa dalbatay in ninkan lagu xukumo 45 maalmood, balse maxkamada ayaa ka dhintay 15 maalmood, maadaama uu danbiga qirtay.

Xigasho/kilde: Mann dømt til fengsel etter å ha framvist falsk koronatest.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments