Dowlada oo go´aamo kasoo saartay xaalada virus-ka cusub ee UK lagu arkay

0
101
Wasiirka caafimaadka Norway. Foto: Borgos Foto AS

Norway ayaa ugu danbeyn ku biirtay dalalka xayiraada saaray duulimaadyada iyo dadka ka imaan lahaa dalka UK. Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili wadamo dhowr ah ay talabaadan oo kale horey u sameeyeen, kadib markii nooc cusub oo xanuunka Corona ah lagu arkay UK.

War saxaafadeed maanta kasoo baxa wasaaradda caafimaadka Norway ayaa lagu sheegay in Norway ay mamnuucday in dalkeeda ay soo galaan diyaaradaha kasoo kicitima dalka UK. Waxaa isla maantaba la xayiray 2 duulimaad oo Norway uga imaan lahaa dalweynaha Ingiriiska.

Riix sawirka

Xayiraadan la saaray dadka iyo diyaaradaha ka imaan lahaa UK ayaa socon doonto mudo 2 maalmood oo hordhac, balse waxay u muuqataa inay noqon doonto mid mudo shaqeyn doonto.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in dhamaan dadka Norway ku sugan ee dalka Ingiriiska kasoo galay 14-kii maalmood ee ugu danbeeyay (Laga soo bilaabo 6-dii Desember) day maraan baaritaanka Corona, xitaa hadii ay dhameysteen mudada karantiilka.

Xigasho/kilde: Norge stanser alle direkteflyvninger fra Storbritannia i to døgn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments