Go´aan: Halkan waa inuu iska diiwaangaliyo Qof walba oo Norway soo galayo.

0
95
Foto: Skjermdump/Regjeringen.no

Shir jaraa´id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen wasiirka caafimaadka Norway iyo madaxa waaxda hey´adda caafimaadka Norway, ayay ku sheegeen talaabooyin cusub oo ay Norway qaadeyso, si looga hortago faafitaanka nooca cusub ee xanuunka Corona.

Dowlada ayaa go´aamisay in wixii ka bilowdo maanta oo isniin ah, uu qof walba oo Norway soo galayo uu is diiwaangaliyo, uuna buuxiyo foom(Skjema) ay dowladu u diyaarisay oo qofku uu buuxinayo. Qofka ayaa warqadaha foomka ku buuxinayo waxyaabo ay kamid yihiin magaciisa, meesha laga soo xiriiri karo, meesha uu karantiilka ku gali doono iyo goobtiisa shaqo. Fiiri warqada(Riix linkigan)

Riix sawirka

Isdaawaangalintan ayaa khuseyso qof walba oo wadanka soo galayo, muwaadin Norwiiji ah ha noqdo ama qof musaafir ahba. Ujeedka dowlada ee arrintan ayaa ah in la xakameeyo in dadka kasoo gala wadamada dibadda ay xanuunka ku fidiyaan gudaha Norway.

Dowlada ayaa horey u balanqaaday in isdiiwaagalintan ay noqon doonto mid digital ah, waxaana lagu waday in la bilaabo bisha Janaury. balse kadib xaalada cusub ee ka dilaacday UK ayaa dowlada ku qasabtay inay soo hormariso arrintan, waxaana hada isdiiwaagalinta lagu bilaabay qaab waraaqad ah.

Halkan ka akhri: Xigasho/kilde: Innfører registreringsplikt for alle som kommer til Norge

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments