torsdag, mars 28, 2024

Sweden oo mamnuucday duulimaadyada UK ka imaanaya.

Dowlada dalka Sweden ayaa ku biirtay dowlada dhowr ah oo mamnuucay duulimaadyada diyaaradaha ka imaada dalka UK. Kadib markii dalkaas laga helay nooc cusub oo xanuunka Coronavirus ah.

Nooca cusub ee xanuunka Corona ah ee laga helay dalka UK ayaa 70% ka faafitaan badan noocii horey loo yaqaanay. Waxaana ilaa hada xanuunka lagu arkay 70 meelood oo UK iyo qaar kamid h wadamada UK.

Dowladaha Faransiiska, Talyaaniga , Belgiumka iyo Holland ayaa horey u mamnuucay inay dalkooda soo galaan diyaaradaha iyo dadka ka imaadda dalka Ingiriiska.

Dowlada dalkan Norway ayaa dhankeeda qiimeyneyso inay soo rogaan talaabooyin deg-deg oo looga hortagayo in xanuunkaas uu ku Fido Norway.

Sidoo kale hey’adda agaasinka Caafimaadka Norway ayaa maanta galinkii danbe soo rogtay in qof walba oo UK ku sugnaa 14-kii maalmood Ee ugu danbeeyay laga baaro xanuunka Coronavirus.

Wixii arrimahan kusoo kordha dib Ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Sverige og Frankrike innfører innreiseforbud fra Storbritannia

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x