Hammarfest: Nin uu geel(Rati) qaniinay oo isbitaalka la dhigay.

0
176
Foto: REUTERS/Joe Penney (MAURITANIA -

Isbitaalka magaalada Tromsø ee woqooyiga dalkan Norway, waxaa shaley galab la keenay nin uu qaniinay geel, kaas oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud. Falkan ayaa ka dhacay deegaanka Akkarfjord ee degmada Hammarfest.

Solveig Jacobsen oo ah madaxa xiriirka isbitaalka Tromsø ayaa sheegay in dhaawaca ninkan soo gaaray ee qaniinyada geela ka dhalatay, ay tahay mid uu nooceedu ku cusubyahay shaqaalaha isbitaalka, balse wuxuu raaciyay in xaalada ninkan ay tahay mid aan sidaas halis weyn usii aheyn.

Ratiga Ninkan qaniinay ayaa waxaa iska leh qoys dariskiisa ah oo xoolo dhaqato ah, kuwaas degan oo deegaanka Akkafjord ee Hammarfest. Waxaana la qaniinay isaga oo isku dayayo inuu Ratiga kusoo celiyo xeradiisa, xili laga codsaday inuu ratiga sii ilaaliyo.

Booliska Norway ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan dhacdadan.

Norway iyo dalalka kale ee Woqooyiga Yurub waxaa laga dhaqdaa nooc geel ah, kaas oo wax badan la wadaaga Geela ay soomaalidu dhaqato. Balse wuxuu kaga duwanyahay dhogorta iyo inuu leeyahay labo kurus, halka kan soomaalidu uu hal Kurusle yahay. Sidoo kale waa nooc Geel ah oo adkeysi u leh inuu ku noolaado cimilada Qabow ee Barafka ah, halka kan soomaalidu uu ku noolyahay cimilo kulul.

Xigasho/kilde: Mann bitt av kamel i Finnmark.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments