Dhakhtarad soomaali ah oo la gudoonsiiyay bilad sharaf qaali ah

0
159
Dr ayaan Bashiir oo ku guuleysatay bilada. Foto: BOK365.NO

Dr Ayaan Bashiir Sheikh -Maxamed Geele oo kamid ah dhakhaatiirta soomaalida ah ee ka howlgasha magaalada Oslo ayaa la gudoonsiiyay bilad sharafta qaaliga ah ee «Årets ålrigte dame» oo ay bixiso xarunta Harry Hole stiftelsen.

Bilad sharaftan ayaa sanad walba la gudoonsiiyaa qof bulshada arrin muhiim u qabtay oo kaga dhex muuqday. Waxaana Ayaan Bashiir biladan lagu gudoonsiiyay doorkii ay ka qaadatay wacyigalinta kahortaga faafitaanka xanuunka Coronavirus ee dalkan Norway. Dr Ayaan ayaa lagu amaanay inay shaqo adag ka qabatay sidii bulshada soomaalida ah looga wacyigalin lahaa xanuunka Coronavirus.

Dr Ayaan Bashiir ayaa wareysi ay siisay NRK ku sheegtay inay muhiim tahay in iyadu kaligeed aysan howshaas qaban, balse ay aheyd howl ay wada qabteen qeybo badan oo katirsan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Waxeyna tusaale usoo qaadatay warbaahintan NorSom News iyo ururka Håp Kompetanse.

2,2 million oo kr oo lacag ah: Qiimaha bilada ee sanadkan.

Qiimaha lacageed la socoto bixinta biladan ayaa sanadkan ah 2,2 milyan kr oo u dhiganta qiyaastii 210.000 $. Waxaana caadadu tahay in qofka bilada ku guuleysta iyo hey´adda bixineyso ay si wadajir ay go´aan uga gaaraan meesha lacagtaas lagu bixiniyo.

Dr Ayaan iyo hey´adda bilada bixisay ayaa isku raacay in lacagtaas sanadkan lagu bixiyo shaqada kahortaga wax qoris-akhrin la´aanta ee dalalka Soomaaliya iyo Nepal.

Gabadhii sadexaad oo soomaali ah oo bilad la gudoonsiiyo: 2 isbuuc gudahood.

Dr Ayaan bashiir Geele ayaa noqoneyso gabadhii sadexaad ee soomaali ah oo labadii isbuuc ee ugu danbeeyay ku guuleysata ama la gudoonsiiyo bilad sharaf. Maalmo kahor waxaan qornay in Bishaaro Osman ay magaca masaajidka Bergen ku gudoontay bilada Frivillighetsprisen ee degmada Bergen. Halkan kasii akhri. Sidoo kale isbuuc kahor duqa magaalada Oslo ayaa bilad sharaf gudoonsiisay Amaal Cilmi oo ah kalkaaliso caafimaad oo ka howlgasha magaalada Oslo. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Hun er årets ålreite dame.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments