Xaliima Aadan: ‘Diinteyda darteed ayaan uga haray «fashion-ka»‘

0
141

Xaliima Aadan oo ku caan baxday xayeysiinta dharka iyo waxyaabaha kale, ayaa shaacisay inay ka hartay tartannada fashion-ka, maadaama uu meel ka dhac ku yahay Diinta Islaamka.

Gabadhan ka dhooftay xerada qaxootiga ee Kakuma, haatanna ku nool Maraykanka, ayaa farriimo ay soo dhigtay baraheeda Twitter iyo Instagram waxay ku sheegtay «inay nafteeda ku dhaliileyso xoogga ay saartay fursadda ay ka heshay fashion-ka, oo ay hilmaamtay waxa uu u horseedi karo,»

Xaliima oo kamid ah gabdhaha ugu horreeyay ee fashion-kooda ku soo bandhiga xijaab ayaa sheegtay in ku tagtay waddo lunsan, mararka qaarna aysanba salaadda tukan jirin.

Farriin kale oo ay soo dhigtay ayaa waxa ay uga hadashay inay garab la’aan ku heshay mihnaddaas, isla markaana aan fahan wanaagsan laga qabin dumarka xijaaban iyo dowrka ay ka qaadan karaan fashion-ka.

Xaliima ayaa sheegtay in hooyadeed ayay marar badan ka codsatay inay ka harto mihnaddaas, waxaana ay tilmaantay in «ugu dambeyn ay ku guulaysatay».

«Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaaray. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo,» ayay barteeda Twitter ku qortay.

Xaliima waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran ka qeyb gashay tartanka gabadha ugu quruxda badan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Tartankaas kuma aysan guuleysanin inay noqoto boqoradda quruxda, laakiin intii uu socday waxay baratay labiska lagu dabaasho, oo jirka oo dhan asturaya, una sahlaya inay dabaalato iyadoo aan qaawaneyn.

«Waxaan rabay inaan soo laabto oo aan gabdhaha kale u sheego inay dabaal aadi karaan iyagoo dharkaas xiranaya, si ay ciyaaraha uga qeyb qaataan», ayey tiri.

Xilligaas waxyar kadib waxay qandaraas la saxiixatay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinaca xayeysiinta, oo lagu magacaabo IMG models.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments