Warbaahinta lokalka ah: Coronavirus wuxuu kudhex faafay soomaalida iyo Ereteriyaanka.

0
84
Foto: NN-DDSI

Magaalada Gjøvik waxaa isbuucii lasoo dhaafay aad kor ugu kacday tirada dadka laga helay xanuunka Coronavirus, waxaana xanuunka laga helay dad kor u dhaafayo 100 qof.

Warbaahinta lokalka ah ee degmada Gjøvik ayaa isbuucii lasoo dhaafay qoray in xanuunka uu si gaar ah ugu dhex-faafay labada qawmiyadood ee soomaalida iyo Ereteriyaanka. Waxeyna sheegeen in la tuhunsanyahay in xanuunku uu ka bilowday masaajid ay soomaalidu maamusho ee degmada Gjøvik kuyaalo.

Faafitaanka xanuunka ayaa sababay in dad boqolaal qof gaarayo la galiyo karantiil, dadkaas oo ah dad xiriir qoys ama mid shaqo uu ka dhaxeeyo dadka xanuunka laga helay.

Xigasho/kilde: SA.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments